Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
DF & AMISOM oo qabtey Janaale

Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ayaa Maanta [Feb 14, 2013] la wareegay deegaano ay ka mid yihiin Janaale, Bariire iyo Awdheegle oo ay Al-shabaab ka talinaysay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanadan ayaa laga soo xigtay in ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin Taangiyo iyo kuwa gaashaaman.

Taliye ku xigeenka Ciidamada DF Gen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhegabadan] oo Warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan deegaanada laga qabsaday Al-shabaab ayaa sheegay inay la kulmeen iska-caabin aan xoog badnayn.

“Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM waxay hada fariisimo ka sameysteen deegaanada kala ah: Janaale, Awdhiigle iyo Bariire, kadib markii aroornimadii hore ee saakay aan kula wareegnay si nabadgalyo ah” ayuu yore Gen. Dhegabadan.

Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin deegaanada laga qabsaday Maanta, iyadoo wararka laga helayo deegaanadaas ay sheegayaan in maleeshiyadii Al-shabaab ay u ruuqaansadeen dhinaca Koonfureed ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa Al-shabaab waxaa laga qabsaday deegaano ku yaala Gobolada Bartamaha iyo Koonfurta Somalia halkaasoo sanado badan ay ka talinayeen, waxaana deegaanadaas ka mid ah Degmada Kismaayo oo ahayd saldhigooda ugu weyn.

Horumarada ay ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ka sameynayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ayaa waxay muujinaysaa tabardarida Al-shabaab oo u muuqda in laga qabsan doono deegaanada ay ka taliyaan oo dhan.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Tahriibta oo laga shiray Bossaso
Guuleed oo ka hadlay weerarka
DF Somalia, UN & AU oo ka hadlay weerarka UNDP


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏
MOGADISHU, Somalia June 19, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

Massive police raid launched in Toronto

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us