Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
DF iyo Raskambooni oo heshiiyay

Hogaamiyaha Raaskambooni Sh. Axmed Madoobe iyo Wasiirka Arimaha Gudaha DF ayaa labaduba sheegay inuusan jirin khilaaf u dhexeeya DF iyo Raaskambooni oo si wadajir ah uga qaybqaatana qabsashadii Magaalada Kismaayo.

Sh. Axmed Madoobe oo koox wariyeyaal kula hadlay Kismaayo Jimcihii shalay ayaa sheegay inuusan jirin khilaaf u dhexeeya DF iyo kooxda uu hogaamiyo, isagoo ku eedeeyay warbaahinta inay faafiyeen warar aan sal iyo raad lahayn.

"Khilaaf u dhexeeya DF iyo Maamulka Kismaayo ma jiro, waayo halkan waxaa nala jooga wasiiro ka socda Dowlada Somalia" ayuu yiri Sh. Axmed Madoobe oo intaas ku daray in Maamulkiisu uu ku qanacsan yahay inuu howlaha gobolka la wadaago DF.

Wasiirka Arimaha Gudaha DF Cabdikariin Xuseen Nuur Guuleed ayaa isagoo kula hadlaya warfidiyeenka garoonka diyaaradaha ee Kismaayo maanta [Dec, 29] wuxuu sheegay in la dhameeyay khilaafkii u dhexeeyay DF iyo Raaskambooni, hadana ay si wadajir ah u wajahayaan howlaha Qaranka.
 
"Maamulka gobolka waxaan kala hadalnay arimo badan waxaan ka mid ahaa khilaaf horay u jiray, kaasoo aan ka heshiinay isku aragtina ka noqonay" ayuu yiri wasiirka oo sheegay in sidoo kale maamulka ay kala hadleen xaalada dadka ku nool gobolka Jubada Hoose.

Intaas kadib wasiirku wuxuu hay'adaha samafalka ugu baaqay inay gargaaraan dadka ku dhibaateysan magaalada Kismaayo iyo Deeganada kale ee Gobolkaas ay kaga sugan tahya dowlada iyo ciidamada ay isbahaysiga la leedahay.

"Hay'adaha Gargaarku waa inay howlahooda ka bliaabaan Kismaayo si ay shacabka ku nool gobolka oo dhan u caawiyaan, dadweynaha Kismaayana waxay diyaar u yihiin inay idin soo dhaweeyaan" ayuu yiri wasiirka Arimaha Gudaha.

Wafdiga Dowlada oo ahaa mid heer wasiir ah Mudo laba maalmood ahna ku sugnaa Kismaayo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana wafdigan ka mid ahaa saraakiil ciidan iyo xildhibaano Baarlamaanka Somalia ka tirsan.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Khudbadihii laga jeedshay shirka waxbarashada dalka
AMISOM oo Raadaar dawayneysa
Warbixin burcad badeeda Afrika


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo
KISMAYO, Somalia Jun 18 2013 (Garowe Online)

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

Massive police raid launched in Toronto

Somalia: Gambol Secondary students hold colourful graduation ceremony

Jubaland: Kenya Defence Forces not supporting us

Somalia: Jubaland's successful electoral process

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us