DF oo joojisay Ganacsiga Hubka 6 Dec 6, 2012 - 6:43:06 AM
Wasiirada DF ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho kasoo saaray dhowr go'aan oo uu ku jiro inaan la ogoleyn ka ganacsiga hubka, dharka, iyo qalabka ciidamada oo ay ka mid yihiin gaadiidka.
Shirka golaha wasiirada DF ayaa sidoo kale laga soo saaray in dib loo bilaabo dhoofka xoolaha nool ee dekeda Muqdisho, iyadoo loo xilsaaray sidii arintaas lagu hirgelin lahaa 5-wasiir iyo Ganacsatada Xoolaha Somalia.
"Cidii lagu helo iyadoo soo dajinaysa ama ka ganacsanaysa hubka, dharka iyo gaadiidka ciidamada waxaa lala tiigsan doonaa sharciga" ayuu yiri wasiirka khayraadka dalka C/risaaq Cumar Maxamed.
Wasiirku ma sheegin in dowladu ay ka shaqeynayso sidii ay kusoo qaban lahayd hubka ganacsi ahaanta loogu iibiyo Muqdisho, iyadoo la ogyahay in caasimada ay ku yaalaan Suuqyo lagu kala iibsado rasaasta iyo qoryaha lagu dagaalamo.
Talaabada ay dowladu ku mamnuucayso hubka ayaa waxaa soo dhaweeyay inta badan shacabka Soomaaliyeed iyagoo ku tilmaamay mid soo dedejin karta in dalka uu galo marxalad ka duwan mida uu hada ku jiro.
Shacabka Somalia ayaa tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee Somalia 1991 waxaa gacanta ugu jirtay hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo hubkuna uu qaab ganacsi ahaan ah uga yimaado dalalka dibada.
Dhanka kale wasiirku wuxuu sheegay in Golaha Wasiirada ay sidoo kale maanta isku raaceen in dib looga Dhoofin karo Xoolaha Nool Dekeda Muqdisho, isagoo sheegay in sharciga dhoofinta iyo habka ay dibadda ku aadayaan ay golaha wasiiradu ka shaqeyn doonaan.
GAROWE ONLINE