DF oo weerar cambaareysay 13 Jan 13, 2013 - 11:06:35 AM
Dowlada Somalia ayaa cambaareysay Weerarkii ay Ciidamada gaarka ah ee France ka fuliyeen Deegaanka Buulo Mareer o ka tirasn Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo ku tilmaamay weerar ay si aad ah uga xun yihiin ayna kasoo horjeedaan.
Wasiirada Arimaha Dibada ee Somalia Fowsiyo Yusuf X. Adan oo Saxaafada la hadashay kadib kulan ay Golaha Wasiiradu xalay ka yeesheen arintan ayaa sheegtay in Dowlada Somalia ay tacsi u dirayso dadkii ku dhintay weerarkaas.
“Madaxda DF waxay Tacsi u dirayaan cid walba oo waxyeelo kasoo gaartay weerarkaas oo ay ku jiraan ciidamadii Faransiiska ahaa ee lagu dilay” ayay tiri wasiirada oo ku dartay hadalkeeda inay cambaareynayaan weerarkaas.
Sidoo kale Wasiiradu waxay sheegtay inay aad uga xun yihiin duqeyntaas laakiinse aysan taasi ahayn inay dhiirigelinayaan Afduubyada iyo Al-shabaab ee ay tahay inaysan raallin ka noqonayn marna in shacabkooda la duqeeyo.
Dowlada Faransiiska ayaa qiratay inay ku fashilantay howgalkaas iyadoo ku dartay dalkeeda in looga dilay duqeynta laba askarteeda ah iyo la haystihii France oo la doonayay in lasoo furto.
Howlgalkan oo dhacay habeenkii Jimcaha ayay Dowlada Fracne sheegtay inay ku dishay 17 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, iyadoo howgalkan uu u muuqday mid aan lala socodsiin dowlada Somalia.
Dhanka kale, Hadal kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay weli hayaan Denis Allex ah oo ah Sarkaalkii Faransiiska ahaa ee lagu guul-dareystay in howl milateri lagu soo furto.