DF oo isaga baxday Buulo-guduud 25 Dec 25, 2012 - 7:36:44 AM
Ciidamada DF iyo kuwa Kenya ayaa maanta 25 December,2012 isaga baxay deegaanka Buulo-guduud ee Gobolka Jubada Hoose, iyagoo halkaas ku sugnaa laba maalmood, waxaana ay saraakiisha dowladu sheegeen inay uga baxeen Xeelad Dagaal.
Sarkaal u hadlay DF ayaa sheegay in ciidamada Dowlada iyo kuwa ay gacanta ka helaan ay go'aan ku gaareen inay isaga baxaan degmadaas, isagoo sheegay inay ku laaban doonaan maalmaha soo socda.
"Ka bixitaanka Buulo-guduud waa mid ku yimid xeelad dagaal, mana doonayo inaan bixiyo faahfaahin intaas ka badan" ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlay DF kaasoo ka mid ahaa saraakiishii tagay deegaanka Buulo-guduud.
Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni ee qaybta ka ah howgalada ka socda Jubbada Hoose, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horeysay oo ciidamada Isbahaysanaya ay isaga baxaan deegaano ay kala wareegeen Al-shabaab.
Wararka laga helayo Deegaanka Buulo-guduud oo 30-km waqooyi ka xiga Kismaayo ayaa sheegaya in Maleeshiyadii Al-shabaab ee horay uga baxay ay dib ugu soo laabteen, iyadoo aan la ogeyn qorshaha Dowlada ee ku wajahan deegaankaas.