Wasaarada arimaha dibada ee Somalia ayaa maanta shaacisay inay dib u
dhigtay ka qaybgalka shirkii ay ku baaqday IGAD ee lagu waday inuu beri
ka furmo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada Somalia Max'ed Jaamac
Cali oo maanta shir jaraa'id qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa xusay in
dib loo dhigay shirka ilaa 26-ka bishan.
"Sababta aan dib ugu dhignay ka qaybgalka shirkan waa iyadoo aanan
waxba ka hayn ujeedada rasmiga ah ee shirkaas ka dambeysa" ayuu yiri
Max'ed Jaamac Cali.
Wasiirada arimaha dibada ee IGAD oo kulan ku qaatay dhawaan dalka
Mareykanka ayaa loogu yeeray xukumada Somalia oo dhan, si looga hadlo
xalada ka jirta Somalia, iyadoo warar soo baxayna ay sheegeen in
xukuumada isku shaandheyn lagu sameyn doono.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaalia Sheekh Aadan Max'ed Nuur [Madoobe]
ayaa saxaafada u sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in
xukuumada la badalayo ama ay saldhigyo ka sameysanayso Kenya.
"Dowlada ma jirto cid isku shaandheyn karta ama badali karta, waayo
inaga ayaa is dooranay ee IGAD nama dooran, aniga waxaan ahaa
xildhibaan, waxaana gudoomiye ii doortay baarlamaanka" ayuu yiri Sheekh
Aadan Madoobe.
Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu si caro leh uga jawaabay hadalo
sheegayay in xukuumada la dajin doono Nairobi, isagoo sheegay in
wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa ku sheegay
war-saxaafadeed uu kasoo saaray xafiiskiisa Nairobi in Kenya ay kala
shaqeynayso IGAD nabad lagu soo dabaalo Somalia.
Kalonzo Musyoka, wuxuu carabka ku dhuftay in dhibaatada ugu weyn ee
haysata Somalia ay ka mid yihiin dagaalo aan dhamaad lahayn iyo
burcadbadeed caado ka dhigtay inay afduubtaan Maraakiibta.
"Kenya waxay nabad heli kartaa oo keliya marka ay Somalia nabad
hesho" ayuu ku sheegay war-saxaafadeedka uu soo saaray madaxweyne ku
xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka.
Dhanka kale, Agaasimaha wasaarada arimaha dibada ee Somalia ayaa
beeniyay hadalkii safiirka Somalia u fadhiya Ruushka Max'ed Max'ud
Xandul uu ku sheegay in Somalia ay aqoonsan tahay maamulada ka jira
Gobolada South Oscietia iyo Abkhazia.
Max'ed Jaamac Cali wuxuu sheegay inay safiirkan u waceen ayna
waydiinayaan sababta keentay inuu hadalkaas saxaafada siiyo, isagoo
sheegay inaanay DF aqoonsanayn labada gobol.
Garowe Online, Muqdisho