Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
DF oo lacago loogu daabacayo Sudan

Dowlada Somalia ayaa waxaa lacag cusub loogu sameynayaa dalka Sudan, iyadoo Wasiirka Maaliyada Somalia oo ka mid ahaa Wafdiga Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo tagay dalka Suudaan uu sheegay inay heer gabo-gabo ah mareyso sameynta lacagta.

Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in lacagtan la isticmaali doono, balse wuxuu xusay in marka hore la hagaajin doono dhismaha haya’daha maaliyada Somalia, si loo xakameeyo lacagtan.

“Daabacaada lacagta waxay bilaabatay Sanadkii hore, welina waxay socotaa inkastoo ay hada marayso heer gabo-gabo ah, waxaana socda qorshe loo diyaarinayo sidii lacagtan suuqa lagu gelin lahaa” ayuu yiri Wasiika Maaliyada.

Lacagta ayaa waxay ka kooban tahay: 1,000 Shillin, 2,000, 5,000, 10,000 illaa 50,000 oo shillin, taasoo uu Wasiirku sheegay inay tahay mid aan la been abuuri karin.

“Aad ayay lacagtan cusubi uga duwan tahay lacagta hada la adeegsado, taas ayaana keentay in loo sameeyo naqshad cusub oo aan si been ah loo farsameyn Karin, waxayna u baahan tahay wakhti in suuqa ay gasho” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta oo saxaafada kula hadlayay xarunta dalka Suudaan ee Khartoum ayaa sheegay in lacagtan lagu bedeli doono lacagta hada la Isticmaalo, balse ma uusan sheegin in Puntland la gaarsiin doono iyo in kale.

Maxamuud Suleymaan ma uusan sheegin xiliga lacagtan lasoo gelin doono dalka, waxaana lacagtan ay ahayd mid ay dalabtay Dowladii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Shariif Sh. Axmed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud iyo Cumar Al-Bashiir ayaa waxay ku yeesheen Magaalada Khartoum kaasoo ay kaga hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, ayna Sudan uga qaybqaadan lahayd dib u soo celinta xasiloonida iyo degenaashaha Somalia 20-sano oo colaado ah kadib.

GAROWE ONLINE
RELATED:
RG oo laga furay Bossaso
Imtixaanka shahaadiga oo beri ka furmaya Puntland
Wasiirada IGAD oo ku shiray Addis


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: President Hassan and MP Hosh condemn Kenyan-AMISOM troops
MOGADISHU, Somalia May 25, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Jubaland president accuses Federal Gov of 'organizing clan violence'

Somalia President Statement at 22nd IGAD Summit (May 24, 2013)

Somalia: Radio Garowe launches new FM station in Bossaso

Deadly battles in central Somalia between Al Shabaab and nomads

Violence in Somalia scares investors, aid workers

Somalia: Puntland court issues death sentences for Islamic Mufti’s killers

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us