DF oo soo furatay Ajnabi la haystay 21 Jun 21, 2012 - 6:44:07 AM
GAROWE ONLINE
Dowlada Somalia ayaa sheegtay in howlgal ay sameeyeen ciidamadeeda Amaanka ay kusoo furteen Lamaane u dhashay dalka South Africa oo Muddo laba sano ku dhow lagu haystay Koonfurta Soomaaliya.
Shir jaraa'id oo Villa Somalia uu ku qabtay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka DF ahna wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayuu ku sheegay in howlgalka lagu soo furtay lamaanahan uu socday xalay ilaa maanta ayna ugu dambeyn ku guuleysteen.
"Howlgalka lagu soo furtay lamaanahan is-qaba ee u dhashay South Africa iyo Italy waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Milateriga iyo kuwa Nabadsugida oo gacan ka helaya dad ay isla shaqeynayeen" ayuu yiri Xuseen Carab.
Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray in Dowlada Somalia ay ku faani karto maanta ciidamadeeda ayna tani muujinayso inay awood leeyihiin, isagoo xusay in labadan qof ay afduub ku haysteen Kooxo Taabacsan Al-shabaab.
Lamaanaha lasoo furtay oo lagu kala magacaabo Deborah Calitz iyo Bruno Pelizzari ayaa waxay gacanta kooxihii afduubay oo burcadbadeed ah ay kasoo afduubeen meel ka baxsan biyaha Soomaaliya [Oct, 2010], ilaa mudadaasna waxay ahaayeen la-haystayaal afduuban.
"Waan ku faraxsanahay sii daynteena, waxaana rajeynaynaa inaan qoysaskeena ku biirno. Dadka Sooamaliyeed waa dad wanaagsan waana uga mahadcelinaynaa sidii ay gacanta uga geysteen in nala soo daayo, mana ilaawi doono" ayay yiraahdeen lamaanaha lasii daayay oo saxaafada la hadlay.
Calitz iyo Pelizzari ayaa waxaa lagu soo bandhigay Villa Somalia, mararka qaarkood way qoslayeen mararka qaarkoodna way ilmeynayeen, iyaguna si gaar ah ayay isugu hambalyeynayeen iyagoo ku faraxsan sii dayntooda.
Inkastoo DF ay sheegtay inay xoog kusoo furatay lamaanahan ayaa waxaa hadana jira warar hoose oo sheegaya in madaxfurasho lacageed oo aan cadadkeeda la ogeyn lagu soo daayay.