Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jun 14, 2010 - 8:03:37 PM
Wararka
D. Federalka oo eedeyn u jeedisay Eritrea


Dowlada Somali ayaa ku eedeysay dalka Eritrea inay weli wado gargaarka ay siiso kooxaha mucaaradka ah ee ku kacsan, waxaana hadalkaan ka sheegay Muqdisho Wasiirka Warfaafinta DF Sh. Daahir Max'ud Geelle.

Qaramada Midoobay ayaa [Dec, 2009] kusoo rogtay dalka Eritrea cunoqabateyn, kadib markii lagu eedeeyay inay taageero siiso kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islam oo ku jira liiska kooxaha argagaxisada ah ee caalamka.

"Eritrea waxay weli hub, qalab ciidan iyo lacag siisaa kooxaha DF ka horjeeda, si aanay Somali u dagin" ayuu yiri Sh. Dahir Geelle oo intaas ku daray in dowladiisu ay cambaareynayso talaabooyinka guracan ee Eritrea.

Wasiirku wuxuu sheegay in Eritrea iyo Al-Qaeda ay sii hurinayaan dabka Somalia ka holcaya, iyadoo boqolaal dagaalyano Ajnabi ah ay ka barbar dagaalamaan kooxda Al-shabaab oo ay horay u sheegay inay afka ciida u darayso Dowlada Somalia.

"Hubka iyo qalabka ciidan ee ka yimaada dalka Eritrea waxay si toos ah uga dagaan dekeda iyo garoonka Kismaayo" ayuu yiri Wasiirka wafaafinta Somalia oo intaas ku daray: "Caalamku waa inay xoojiyaan cunoqabteynta hubka ee saaran Somalia".

Dowlada Eritrea ayaa dhowr jeer oo hore iska diiday inay gacan siiso kooxaha ka dagaalama Somalia, waxayna ku tilmaantay wararkaas kuwo la doonayo in loogu soo gabado sidii wax loogu dhimi lahaa horumarkeeda.

Wasiirka warfaafinta Somalia ayaa ugu dambeyn ka dalbaday beesha calaamka inay gacan ka siiyaan DF sidii ay uga guulaysan lahayd kooxaha mucaaradka ah ee ka horjeeda, kuwaasoo xiriir toos ah la leh ururka Al-Qaeda.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Muqdisho: Duqeymo dhacay
Uganda: Ciidanka AMISOM oo la kordhiyay
Ergayga UN-ka Augustine Mahiga oo Muqdisho booqday

Advertisement
 

Islam: Ramadan - The Month of Self-Restraint

EDITORS PICK:

In the heart of a Somali pirates' lair
HOBYO, Somalia Sep 2, 2010 (AFP)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us