Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Sep 3, 2008 - 10:44:01 AM
Wararka
Dadka oo dib ugu noqdey Buulo Burte


Dadkii dhawaan ka soo baro kacay degmada Buulo-burte ee gobolkan Hiiraan ayaa 24kii saac ee ugu dambeysay waxaa u suuro gashay in ay dib ugu noqdaan kadib markii 4 maalmood ka hor ay ka soo baxeen degmadasi
ciidamadii Ethiopia.
 
Dadka dib ugu laabtay degmada Buulo-burte ayaa waxaa gaaraya ku dhawaad dhowr kun oo qoys oo ka mid ah kuwii horay uga cararay degmadaasi kadib markii ay ka baqdeen in dagaal uu ku dhaxmara ciidamada Ethiopia oo dhawaan ka soo guuray halkaasi iyo kooxaha la dagaalama.

Dadkan oo qaar ka mid ah oo wariyaha GO la kulmay ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay dib ugu laabtaan guryahooda oo ku dhawaad 25 cisho ay ka maqnaayeen islamarkaana intii ay ku sugnaayeen degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka ay dhibaato kala kulmeen.
 
Dadkan oo u badnaa caruur iyo Haween ayaa waxaa la arkayay iyaga oo wata alaabo ay kamid yihiin kuwa aan laga maarmin sida joodariyo iyo maacuun waxeyna isticmalayeen gawaarida yar yar , Gaari-Dameero iyo gaari-gacno.
 
25-kii maalmood ee la soo dhaafay aya waxaa ay degmada Buulo-burte waxa ay ahayd mid aysan qofna ku sugneyn kadib markii dadkaan cabsi wayn ka soo wajahday dagaalo dhinaca dhexmara dhinacyada is haya.

Barkaca iyo dagalada Somalia ayaa socday tan iyo intii ay dhacaday dowladii Maxamad Siyaad Barre 1991.

Roobab ka da'ay Hiiraan

Roobab lagu diirsaday ayaa 24kii saac ee ugu dambeysay waxaa ay ka da'een qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
 
Roobabka qabtey Baladweyne
Roobabkan ayaa sida dadku ku dhaqan gobolkan ay sheegeen waxaa ay da'een xili ay gobolka ay ka jirto abaar iyo cuduro dabo dheeraaday kuwaasoo sababay dhimasho dad iyo duunyaba leh waxaana roobabkani.

Xili roobaabkan oo ah gu'ga ayaa waxaa si weyn looga sugayay in uu goor hore ka da'o dalka intiisa badan balse waxaad moodaa in xooga uu dib u dhacay waxaana meelo badan oo gobolada dalka ah oo abaarta ay la degtay haatan ka da'ay roobab xoogan oo mahiigaan ah.
 
Roobabka haatan ka da'ay qeybo ka mid ah gobolkan ayaa sida aan ka warhaayno qasaaro la sheegikaro aanu geysan marka laga tago meelaha qaar oo xoolo uu ku dilay kuwaasoo aan badneyn islamarkaana ah kuwo liitay oo abaartu kala reebtay.

Meelaha uu roobka ka da'ay waxaa ka mid ah magaalada B/weyne waxaana ka da'ay roob lagu qaboowsaday walow wadooyinka qaar ee magaalada lala mari waayay biyo fariisimo uu sameeyay.
 
Dadka reer miiga ah ee xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan meelaha roobku uu ka da'ay ayaa si weyn ugu faraxsan roobabkan waxayna ILAAH ka baryeen in mid kaloo ka weyn uu siiyo maadama abaro, cuduro, dagaalo iyo sicir barar ay in badan halakeyeen.
 
Roobkan ka da'ay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili culumaa'udiinka iyo oday dhaqameydyada iyo qeybaha kale ee bulshada ay sameeyeen dibad baxyo roobdoon ah.

Baladweyne

 
Ilyaas Guute, Garoweonline
B/weybe
RELATED:
Amensty oo ka hadashay afduubyada
Sh. Shariif oo la kulmey saraakiisha USA
La-haystayaal lala xiriiriyay qoyskooda

Advertisement
 

Somalia - A Country in Peril

EDITORS PICK:

Somalia's Islamists appoint Kismayo administration
KISMAYO, Somalia Sep 6 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us