Dadweynha ku nool caasimada Puntland Garoowe iyo kuwa degmada Eyl ayaa dareenkooda ka muujiyey baahinta Idacadda Radio Garowe oo la gaarsiiyey Degmada taariikhiga ah ee Eyl,waxaana dhamaan dadka barnaamijka la hadlay oo u badnaa kuwo ku nool Eyl ayaa dareen farxadeed ku soo dhaweeyey maqalka faseexa ah Idaacdda Garoowe.
Barnaamijka Ray'iga oo dadweynuhu uga qayb-qaadanayeen teleefanka iyo SMS-ka ama fariin qoraaleedka ayaa Idaacadda Garowe ku amaanay talabadan ay Idaacaddu qaaday,waxaa xusid mudan dadka barnaamijka ka qayb-galay inay u badnaayeen kuwa ku dhaqan Eyl,waxayna ka xogwaramen baahida loo qabay degmadaasi Idaacad si ay ula socdaan dhacdooyinka caalamka,waxbasrahada iyo madadalada.
Waxyaabaha kele dadka barnaamijka la hadlay ay dalbadeen ayaa waxaa ka mid ahaa inay codasden idaacadda la gaarsiiyo deegaano kele,madaama ay ka shaqayso wacyigelinta bulshada tabinta warar sugan,barnamijyo diinya,soo noolaynta dhaqanka.
Dhagayso Barnaamijka oo ay jeedisay Faadumo Cabdirisaq