Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM
Wararka
Dagaal culus oo Baladweyne ka dhacey


Dagaal u dhexeeya Maleeshiyo beeleed hubeysan iyo Ciidamada Maamulka Dooxada Shabeele oo taageersan DF ayaa ka socda degmada Baladweyne, iyadoo dagaalku uu sii xoogeysanayo saacadba saacada ka dambeysa.

Wararka laga helayo Baladweyne ayaa waxay sheegayaan in khasaaraha  dagaalka uu dhaliyay ay gaarayso dhimashada 5-qof oo ay ku jiraan nin iyo xaaskiisii iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 10-qof oo shacab u badan.

Rasaasta ay kooxahan u adeegsanayaan dagaalka ayaa waxay ku dhacaysaa  xaafadaha bariga Baladweyne, iyadoo dagaalku uu ka socda xaafada Howlwadaag oo dhinaca Galbeed ee degmada ku taala.

Col. Maxamed Nuur Caga-joog oo ah Xoghayaha Warfaafinta ee Maamulka  Dooxada Shabeele ayaa sheegay in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamada Maamulka uu ka tirsan yahay iyo Maleeshiyo uu sheegay inay gacansaar la leeyihiin Al-shabaab.

Dagaalka ayaa saameyn xoogan ku yeeshay Magaalada Baladweyne iyadoo la  xiray gabi ahaan suuqyadii iyo goobihii ganacsiga, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen in xalaadu ay tahay mid aad u daran.

Maleeshiyada maamulka la dagaalansan ayaa la sheegay inay kasoo  jeedaan beesha Gaaljecel oo ka mid ah beelaha daga Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Baladweyne oo ah xarunta gobolkaas.

Waxgaradka beeshan la dagaalamaysa ciidamada DF ee Baladweyne ku sugan  ayaan weli ka hadlin dagaalka, iyadoo ciidamada Ethiopia ee ku sugan Degmada aysan wax lug ah ku lahayn dagaalka.

Magaalada Baladweyne oo Al-shabaab ay ka qabsadeen dhamaadkii bishii  December ee sanadkii hore ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa Dooxada Shabeele oo taageersan DF ayaa wuxuu noqonayaa dagaalkan kii ugu horeeyay oo ka dhaca magaalada Gudaheeda.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Odeyasha oo laga baajiyey Turkiga
Dagaal culus oo Dayniile ka dhacay
WFP oo xayiraad lagu soo rogay

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia leaders meet at African Union headquarters for constitution, elections process
ADDIS ABABA, Ethiopia May 21, 2012 (Garowe Online)

Statement of the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) at Meeting of Somali Principals

Somalia: Amb. Mahiga warns Somali politicians to stop meddling with selection process

Somalia: Ethiopia military to increase onslaught against Al Shabaab

This week in Somalia

Somalia: Amb. Mahiga calls for ‘transparent’ inquiry to Hargeisa land dispute

Somalia: Roadmap signatories will meet to discuss progress

Somalia: SRSG Statement on Hargeisa Incident

Plenty rain in Somalia

Somalia: Multiple explosions in Mogadishu kill 8

Somalia: Ethiopia commander in Somalia says 'not a problem to liberate Kismayo'

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us