Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Dagaal ka dhacay Buulo-guduud

Dagaalo culus ayaa maanta 24 December,2012 ka dhacay deegaanka Buulo-guduud oo waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo, halkaasoo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada DF iyo kuwa caawinaya, iyadoo sidoo kale ay xiisado dagaal ka taagan yihiin deegaano dhinaca galbeed ka xiga Kismaayo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in hubka culus iyo midka fudud ay isku adeegsadeen dhinacyada hardamaya balse weli waxaa deegaankaas gacanta ku haya ciidamada isbahaysnaya.

Ururka Al-shabaab oo laga qabsaday deegaano badan oo ku yaala Gobolka Jubada Hoose ayaa waxay tan iyo sanadkii hore isku dayayeen inay dib u qabsadaan goobihii laga qabsaday inkastoo aysan u suurogelin.

Saraakiisha Dowlada Somalia ee ku sugan Jubada Hoose ayaa xaqiijiyay inuu dagaal ka dhacay deegaanka Buulo-guduud, balse ma aysan sheegin khasaaraha uu dhaliyay dagaalkaas; inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin dagaalka.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada DF, kuwa Kenya iyo xoogaga Raaskambooni ay halkaas kawadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan horay loo arkin, iyadoo intaas ku daray in ciidamo badan laga qaaday Kismaayo.

Dhanka kale Ciidamada Isbahaysanaya oo wata gaadiid dagaal ayaa waxay saakay adeen deegaano dhinac Galbeed kaga beegan Degmada Kismaayo kuwasoo ay ka mid yihiin C/la Biroole, Beer-xaano iyo Buulo-xaaji halkaasoo ay ku sugnaayeen xoogag ka tisran kuwa Al-shabaab.

Lama oga ujeedka ciidamada Isbahaysanaya iyadoo la sheegay in Al-Shabaab ay baneysay deegaanadaas iyo kuwo dhow, waxaana talaabada ay noqonaysaa mid ay ku doonayaan ciidamada isbahaysanaya inay Al-shabaab ka saaraan dhamaan deegaanada ku dhow Kismaayo.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Garowe: Doorka haweenka PL ee doorashada oo laga shiray
AMISOM: ''Amniga waan sugaynaa''
Xildhibaano ka laabtay Mooshin


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman
MOGADISHU, Somalia May 21, 2013 (Garowe Online)

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us