Ugu 10-qof ayaa ku dhintay 15-kalena way ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo maanta ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee Gobolka Galguduud, kaasoo u dhexeyay ururo diimeedyada Al-shabaab iyo Ahlusunna.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan dhinacyadii dagaalamay, iyadoo dagaalka oo socday 3-saac ay degmada Dhuusomareeb gacanta u gashay kooxda Ahlusunna.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu si lama filaan ah u qarxay, waxaana dagaalkaas uu u dhamaaday dhanka bari ee Magaaladaas, iyadoo kooxda Al-shabaab la sheegay inay aadeen degmada Ceelbuur ee isla gobolkaas.
"Xaafadaha Siinaay iyo Waaberi ayuu dagaalku si aad ah uga dhacay... maydadka meelaha aan ku aragnay waa halkaas.. magaalada waxaa ku sugan Ahlusuna oo wata gaadiid ay ka mid yihiin beebayaal" ayuu yiri goobjooge ku sugan halkaas.
Afhayeenka Ahlusunna oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dagaalkaas kaga awood badiyeen dhinicii la hardamay, iyadoo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay ka gaabsadeen dagaalka, waxayse qireen inuu dagaal dhacay.
"Al-shabaab waxaan ka qabanay 50-qof oo qaarkood isdhiibay, iyo kuwo aan ku qabanay dagaalka, dhamaantood waxay ku sugan yihiin Dhuusomareeb, waana sii daynaynaa" ayuu yiri Afhayeenka Ahlusunna Sheekh C/llaahi C/raxmaan [Abu-Qadi].
Dhaawacyadii ka dhashay dagaalka ayaa loo qaaday Isbitaalka Istarliil ee degmada Guriceel, maadaama Isbitaalka Dhuusomareeb uusan xiligaan shaqeyn, iyadoo dhaawacyada qaarkood la sheegay inay halis yihiin.
Dagaalka Al-shabaab iyo Ahlusunan ku dhexmaray degmada Dhuusomareeb ee Gobolka Galguduud ayaa noqonaya kii sadexaad oo degmadaas ku dhexmara Islaamiyiintan.
RADIO GAROWE