From Garoweonline.com

Wararka
Dagaal ka dhacay Muqdisho
By
Oct 5, 2008 - 6:12:33 AM

Ugu yaraan 5-qof ayaa ku dhintay 5-kalena way ku dhaawacmeen dagaal, duqeyn iyo dilal qorsheysan oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay caasimada Somalia ee Muqdisho.

Dagaal ka dhashay duqeyn lala beegsaday garoonka Muqdisho oo ay diyaarad kasoo dagtay ayaa sababtay inay ciidamada AMISOM ku jawaabaan madaafiic, isla markaana ay dagaal fool-ka-fool ah la galaan Ururka Al-shabaab.

Madfac ku dhacay guri ku yaala xaafada Showrida ee degmada Dharkeenley ayaa waxaa ku dhintay laba haween ah, iyadoo duqeyntu ay sidoo kale sababtay inay dhawaacmaan 5-qof oo kale.

Iskahoirmaad xoogan oo dhexmaray Al-shabaab, ciidamada AMISOM iyo kuwa DF ayaa sababay in laga itaal roonaado mucaaradka, isla markaana laga eryo goobtii ay ka tuurayeen madaafiicda.

Maj. Bridgye Behuko oo ah Afhayeenka AMISOM oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax gantaal ah oo ku dhacay garoonka, isagoo xusay in kooxo isku dayay inay weeraraan garoonka oo ay diyaaradi fadhiday ay dagaal la galeen, isla markaana eryeen.

"Diyaarad qalab noo waday ayaa soo cago-dhigatay garoonka Muqdisho, mana jiraan wax madaafiic ah oo garoonka kusoo dhacay, diyaaraduna si nabad ah ayay ku duushay" sidaa waxaa yiri Maj. Behuko.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa ku toogtay deegaanka Towfiiq ee degmada Yaaqshiid sadex nin, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay gacan ku siinayeen ciidamad DF dhaca guryaha ku yaala xaafadaas.

Kooxaha dilka geystay ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin mucaaradka, iyadoo dhawaan isla degmadaas lagu dilay Nabadoon howlo nabadeed ka waday halkaas, kaasoo ay toogteen ciidamada DF.
 
Garowe Online, Muqdisho


http://www.garoweonline.com