From Garoweonline.com

Wararka
Dagaal ku wajahan G/ Gedo
By
Feb 6, 2010 - 11:16:49 AM

Gudoomiyaha Ahlusuna ee Gobolada koofureed ee Somalia Sh. C/raxman Al-Azhari ayaa u sheegay wariyeyaasha in ururkooda uu maalmaha soo socda weerar ku qaadi doono Gobolka Gedo, halkaasoo ay maamulkaan kooxo Islaamiyiin ah.

Sh. C/raxmaan Al-Azhari wuxuu saxaafada u sheegay in dhankooda ay diyaar inay gobolkaas ka saaraan Al-shabaab iyo Xisbul Islam oo uu ku sheegay inay dhibaato ku hayaan dadka rayidka ah.

"Waxaan naga go'an inaan awooda gobolka oo dhan la wareegno, si aan dadka uga dul qaadno culeyska saaran" ayuu shirkiisa saxaafadeed ku sheegay Sh. Al-Azhari oo intaas ku daray in cudud ahaan ay awoodaan inay gobolka qabsadaan.

Degmada Baladxaawo ayaa waxaa todobaadkii hore weerar ku qaaday ciidamo ka amarqaata Ahlusuna, kuwaasoo dilay mid ka mid ah darawada gaadiidka ayna u suurogashay inay qabsadaan xarunta maamulka iyo saldhiga.

"Weerarkii aan ku qaadnay Baladxaawo wuxuu ahaa tijaabo, waxaan ku ogaanay awooda kooxaha naga soo horjeeda" ayuu yiri gudoomiyaha Ahlusuna oo xusay inuu ku kalsoon yahay inay la wareegi karaan maamulka Gobolka Gedo.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ciidamo badan ay dhawaan ay soo qaateen tababar, isagoo iska fogeeyay inay hubka iyo taageerada ciidan ka helaan Ethiopia oo ay ku sugan yihiin xuudeeda.

"Dalalka Kenya iyo Ethiopia oo aan xuduud ahaan u talaabi karno kama helno wax taakulo ah, waxaan ka helnaa dadkeena oo u heelan in goboladaas ay ka xoreyno cadowga" ayuu yiri Sh. C/raxmaan Al-Azhari.

Hanjabaada kooxdan ayaa imaanaysa iyadoo saraakiisha DF ee ku sugan Doolow oo ka tirsan Gobolka Gedo ay shaaciyeen inay weeraro ku yihiin Gobolada Jubooyinka si ay uga saaraan Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE



http://www.garoweonline.com