From Garoweonline.com

Wararka
Dagaalada Muqdisho & Wariye la dilay
By
Jul 4, 2009 - 3:20:45 PM

Ugu yaraan 5-qof oo ku jiray wariye ka tirsan Idaacada IQK ee Muqdisho ayaa ku dhintay dagaalo maanta ka dhacay qaybo ka tirsan Muqdisho; kuwasoo daba socday dagaalo u dhexeeya dowlada iyo mucaaradka oo maalmahan socday.

Wariye Max’ud Yusuf [Ninile] ayaa ku dhintay rasaas ku haleeshay isgoyska Afarta-jardiino ee degmada Yaaqshiid, halkaasoo ay dhawaanahan ku dagalamayen ciidanka DF iyo Islaamiyiinta hubeysan ee ka horjeeda.

“Suxufiga, wuxuu ku jiray howshiisa shaqo marka ay rasaastu ku dhacday… waxaana meel fog ka liishaamay dhalinyaro isqariyay, iyadoo lala toogtay laba qof oo rayid ah” ayuu yiri wariye ay isla shaqeyn jireen oo magaciisa qariyay amaan awgiis.

Joornaaliistaha dhintay ayaa laga toogtay qaybta hore ee jirkiisa, waxaana isagoo dhaawac ah la dhigay Isbitaalka Madiina, halkaasoo uu daqiiqado kadib ugu geeriyooday dhaawicii la gaarsiiyay.

Wuxuu noqonayaa wariyihii 5-aad oo si bareer ah sanadkan loogu toogto Muqdisho, kuwaasoo u shaqeynayay idaacadaha madaxa-banaan ee ka howlgala caasimada, waxaana dilkii Marxuum Mukhtar Max’ed Hiiraabe shaqooyinkooda u joogay dhowr wariye cabsi awgeed.

Dhanka kale, dagaalo ayaa maanta ka dhacay degmada H/wadaag ee Muqdisho kuwaasoo sababay dhimashada laba qof oo rayid ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5-qof oo kale.

Madaafiic qayb ka ahaa dagaalkii maanta ayaa ku dhacay xaafado ay dadku ku badan yihiin sida Xamarweyne & Xamarjajab, balse ma jirto khasaare ay dhaliyeen, waxayna dagaaladu u joogsadeen si iskood ah.

Afhayeen u hadlay Ururka Xisbul Islam oo dagalkii maanta qayb ka ahaa ku eedeeyay dagaalka inay soo qaadeen ciidanka dowlada; iyaguna ay iska difaaceen, waxaase hadalkaas beenyay saraakiil u hadlay dowlada oo ku eedeeyay dirirta kooxaha kasoo horjeeda.

Dagaalada Muqdisho oo socday afar maalmood oo xiriir ah ayaa waxay dileen inta la diiwaangeliyay 90-qof, iyagoo dhaawacay 250-qof oo isugu jira caruur, dumar iyo dhalinyaro.

GAROWE ONLINE



http://www.garoweonline.com