Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Dagaaladii Muqdisho oo sababay dhimashada 30-qof


Ugu yaraan 30-qof oo rayid iyo dhinacyadii dagaalamayay isugu jira ayaa ku dhintay dagaal maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo daba socday dagaal shalay dhacay oo u dhexeeyay DF iyo xoogaga kaasoo horjeeda.

Dagaalkii maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay 65-qof oo rayid ah, kuwaasoo ay kula dhaceen madaafiic culus deegaanadii ay kaga sugnaayeen Muqdisho, iyadoo koox walba ay dagaalka ka sheegatay guulo.

Ciidamada AMISOM oo wata gaadiid dagaal ayaa dagaalka qayb ka ahaa maanta, iyadoo taangiyadooda lagu arkayay goobihii ay dagaaladu ka dhaceen oo ahaa dhanka waqooyi ee Muqdisho.

Madaafiic ku dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa sababay inuu xirmo ganacsiga oo dhan, kadib markii dhowr qof ay ku dhaawacmeen madaafiicdaas, sida laga soo xigtay shaqaalaha gaadiidka gurmadka degdega ah ee Muqdisho.

"Dhaawacyadii aan maanta oo keliya ka qaadnay waxay gaarayaan 65-qof, waxaan ka kala qaadnay degmooyinka Kaaraan, Shibbis, C/casiis, Yaaqshiid iyo Bakaaraha oo ay madaafiic iyo dagaalo ka dhaceen" ayuu yiri Cali Muuse oo saxaafada la uga warbixiya dhaawacyada ay qaadeen.

Mas'uulkan wuxuu sheegay in maydadka 20-qof ay arkeen, ayna jiraan goobo kale oo loogu sheegay inay arkeen maydad dagaalka wax ku noqday, isagoo sheegay in dhaawacyadaas ay kala gaarsiiyeen Isbitaalada Dayniile iyo Keysaney.

Boqolaal qof ayaa bilaabay inay ka barakacaan degmooyinkii maanta iyo shalay la duqeeyay oo ku kala yaala Yaaqshiid iyo Kaaraan, kuwaasoo kala ah Arjantiin, Juungal, Suuq-bacaad, Towfiiq iyo xaafado kale.

"Waxaan go'aansanay inaan guryaheena ka qaxno waayo madfac weyn ayaa ku dilay guriga nagu dhagan dhowr qof oo aan aad isku naqaanay, ma joogi karno halkan, duleedyada Muqdisho ayaana aadaynaa" ayay tiri Dahabo oo la qaxaysay shan caruur ah.

Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Max'ud Raage [Sh. Cali dhere] oo maanta shir saxaafadeed u qabtay warbaahinta ayaa sheegay inay gubeen mid ka mid ah taangiyada AMISOM oo dagaal kula jiray, ayna ku gubeen walxo qaraxa oo ay aad u farsameeyeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay dagaalka ku jireen maanta iyagoo xusay in dagaalku uu ahaa mid ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka kala duwan ayna arkeen dhimashada 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah.

Wasiir u dowlaha Gaashaandhiga DF Yuusuf Indhocade oo isaguna saxaafada kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in hadalada Afhayeenka Al-shabaab aysan waxba ka jirin ayna dowladu qabsaday deegaano ay horay ugu sugnaayeen mucaaradka.

"Ciidamadeenu waxay joogaan Isgoyska Sanca, mana jiraan wax AMISOM ah oo maanta dagaalka la galay dowlada, sidoo kale xaafadaha kaaran intooda badan waxaa ku sugan ciidamada dowlada" ayuu yiri Yuusuf Indhocade.

Dagaaladan oo galay maalintii labaad ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 60-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 150-qof oo kale, kuwaasoo u badan caruur iyo haween qaarkood ku dhintay Isbitaaladii dhaawacyadooda la gaarsiiyay.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us