|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Duqeymo ka dhacay Muqdisho
8 Feb 8, 2010 - 1:37:51 PM
|
Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay 20-kalena way ku dhaawacmeen dagaalo iyo duqeymo xalay ka dhacay degmooyinka waqooyi ee Muqdisho, iyadoo Al-shabaab ay sheegatay mas'uuliyada dagaaladii xalay.
Dagaalada oo ka dhacay Degmooyinka: Boondheere, Kaaraan, C/casiis, Yaaqshiid iyo Shibbis ayaa dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay waxay ahaayeen rayid ay madaafiicda iyo rasaastu ugu tagtay guryahooda.
"Xalay galinkii dambe waxaa bilowday dagaal iyo duqeymo isbarbar socda waxayna socdeen ilaa saakay, waxay ahaayeen kuwii ugu kululaa ee aan la kulano bilahan" ayay tiri Hooyo Cabdiyo Axmed oo saakay ka barokacday degmada Shibbis.
Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali dhere oo saxaafada kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay iyagu qaadeen weeraradii dhaliyay dagaaladii xalay ka dhacay inta badan waqooyiga Muqdisho.
"Ujeedada dagaalada waxay ahaayeen inaan kaga hormano DF weerarada ay sheegeen inay ku qaadayaan gooba ay Islaamiyiintu ku sugan yihiin, waana ka adkaan doonaa" ayuu yiri Sh. Cali dhere.
Dhaawacyadii ka dhashay dagaalka ayaa waxaa intooda badan la dhigay Isbitaalka Keysaney oo duleedka Waqooyi-bari ee Muqdisho ku yaala, waxaana qaar ka mid ah jidadka degmooyinka waqooyi ee Muqdisho laga qaaday dhowr qof oo dhintay.
Hay'adda Elman ee xuquuqda Aadanaha iyo Nabada oo xarunteedu tahay Muqdisho ayaa sheegtay in dadkii ku dhintay dagaaladii xalay ee ay liiska geliyaan ay yihiin 9-qof oo rayid ah iyo dhaawaca 17-qof oo kale.
Lama yaqaan khasaaraha kala gaaray labada dhinac, balse goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen Al-shabaab oo gaadiidkooda ku qaadanaya maydad kaga dhintay dagaalka iyo dhaawacyo.
Afhayeenka Milateriga DF Col. Aadan Kalmyo oo saxaafada shir jaraa'id ugu qabtay Muqdisho maanta ayaa isaguna sheegay in dagaaladii xalay ay qayb ka qaateen ciidamo shisheeye ah oo uu sheegay inay u dhasheen Ethiopia iyo Eritrea.
"Xisbul Islam iyo Al-shabaab waxay kasoo dajiyeen dekeda Ceelmacaan ciidan ajnabi ah, kuwaasoo ay ugu talogaleen inay ka barbar dagaalamaan, waxayna xalay ku jireen dagaaladii dhacay" ayuu yiri Afhayeenka ciidamada DF.
Dadweynihii ku harsanaa degmooyinkii ay dagaaladu xalay ka dhaceen ayaa saakay bilaabay inay qaxaan, waxayna aadeen deegaanada ka baxsan caasimada, iyadoo ay dhawaana jirtay cabsi dagaal oo kasoo kala baxaysa kooxaha iska soo horjeeda.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|