|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Dagaalo ka dhacay Luuq iyo Qooqaani
5 Feb 5, 2012 - 6:29:57 AM
|
Ugu yaraan 14-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalo culus oo xalay ka dhacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo iyo Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana dagaaladaas ku dhaawacmay in ka badan 30-qof.
Dagaaladan ayaa waxay u dhexeeya Ciidamada DF, kuwa Ethiopia iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab oo dhinac kale ah, waxaana dagaaladan ay ahaayeen weeraro ay Al-shabaab ku qaaday Saldhigyo ay Luuq iyo Qooqaani kaga sugnaayeen ciidamadan.
Goobjoogayaal ku sugan Deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen ayaa sheegay in la isku adeegsaday hubka fudud iyo midka culus, iyadoo degmada Luuq ee Gobolka Gedo ay gaartay rasaastii la isdhaafsanayay.
Mas'uuliyiin DF ka tirsan oo la hadlya saxaafada ayaa sheegay inay dagaalkaas ku dileen tiro ka mid ah dagaalyahada Al-shabaab kuwo kalena ay ku qabteen, balse Al-shabaab ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay dagaalkaas ku dileen ciidamo ka tirsan DF, kuwa Ethiopia iyo kuwa Kenya.
"Dagaaladu wuxuu ahaa mid aan ujeedooyin kala duwan ka lahayn, askar badan oo cadow ah ayaan ku dilnay, markii hadafkeena aan ka gaarnayna dib ayaan uga soo baxnay goobahaas" ayuu yiri Afhayeenka howlgalada ee Al-shabaab oo warbaahinta la hadlay.
Saraakiisha Ethiopia iyo kuwa Kenya ayaan ka hadlin dagaaladan, iyadoo gacanta siinaya, waxaase dadka deegaanadaas ay sheegeen inay jiraan xiisado colaadeed oo ka taagan deegaanadaas.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay weerarto saldhigyo ay Gobolka Koonfurta Somalia kaga sugan yihiin ciidamada Ethiopia iyo kuwa Kenya oo gacan ka siinaya Dowlada Somalia sidii ay dib ugu qabsan lahayd dalka oo dhan.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|