Dagaalo ka dhacay Gobolka Gedo 29 Jul 29, 2012 - 6:07:18 AM
Ugu yaraan 25 qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaalo xalay iyo saakay ku dhexmaray degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia Ciidamada DF oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Ethiopia iyo Al-shabaab.
Dagaaladan oo ka kala dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo iyo deegaanka Yurkud oo isla gobolka ka tirsan ayaa waxay qarxeen markii ay Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weeraro ku qaadeen saldhigyo ay ciidamo ku lahaayeen deegaanadaas.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Garbahaarey iyo deegaanka Yurkud ayaa waxay u sheegeen saxaafada in dagaaladu ay ahaayeen kuwo culus oo daryanka hubka la isku adeegsanayay laga maqlayay gudaha degmadaas.
Dagaalka koowaad oo xalay ka dhacay deegaanka Yurkud ayaa waxaa ku dhintay 18-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaalkaas guulo ka sheegatay Dowlada Somalia.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in dagaakii xalay ka dhacay Yurkud ay ku dileen in ku dhow 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, ayna maydadka qaarkood weli yaalaan halkii lagu dagaalamay.
"Waxay xooga saareen sidii ay u qabsan lahaayeen degmada, balse waa la iska caabiyay, waxaana la digay dagaalyahano badan oo weli maydadkooda lagu arkayo halkii lagu dagaalamay" ayuu yiri Maxamed Kaliil.
Ururka Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay inay dagaalkaas ku dileen ciidamo bada oo isugu jira kuwa DF iyo Ethiopia, balse ma sheegin lambarka ciidamada ay ku dileen dagaalka, iyadoo labada dhinac aysan sheegin khasaaraha dagaalka kasoo gaaray.
Sidoo kale Dagaalkii maanta oo ahaa mid culus ayaa waxaa isagana ku dhintay 7 ruux oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaalkan qayb ka qaadanayay ciidamada Kenya oo ka mid noqday AMISOM.