Dagaal culus ayaa maalintii sadexaad waxaa uu ka dhacayaa Muqdisho gaar ahaan dhinaca Woqooyi ee magaalada, degmada Karaan waxaa ku dagaalamaya ciidamada dowlada iyo kuwa mucaaradka iyada oo dadweynaha rayidka ah isaga qaxayaan goobahaas.
Dad gaaraya 15 qof ayaa ku dhintey dagaladas iyada oo uu dhawacu cagacageynayo 40 kuwaasoo u badan dad rayid ah.
Wararka ayaa sheegaya in dagaladan oo socdey muddo sadex cisho ah ay ciidamada dowlada ku qadaan goobaha ururka Al-shabab iyo Xisbul Islaam ka fadhiyan degmada Karaan kuwaasoo gacanta ku haya goobo muhiim ah.
Dagaaladan ayaa waxaa ku dhintey shacab badan iyada oo ay barakac sameeyeen shacab farabadan kuwaasoo u qaxey Koonfurta Somalia iyo gobolada dhexe.
Gobolada dhexe oo colaadi ka jirto gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareb ayaa waxaa ka jira abaaro ba'an iyada oo ay adag tahay in hay'adaha samafalka gaaraan halkaas madaama colaado ka jiraan.
Garowe Online