Dagaalo cusub ayaa saakay si lama filaan ah uga qarxay deegaano ay shalay ku dagaalameen ciidamada DF iyo kuwa Ethiopia oo isku dhinac ah iyo kooxaha ka horjeeda.
Xaafado ka tirsan degmada Yaqshiid ayay ka socdaan iskahorimaadyo aad u xoogan, iyadoo madaafiic culus ay dhinacyadu u adeegsanayaan dagaalkoodan saakay qarxay.
Dagaalkan ayaa waxaa dhanka mucaaradka qayb ka ah; Midowga Maxkamadaha, Al-shabaab, Jahal Islaamiyah, Raas-kambooni iyo kuwo kale, wuxuuna dagaalkan daba socdaan mid shalay ka dhacay degmadaas.
Madaafiic xoogan oo laga ridayo saldhigyada ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Muqdisho ayaa ku dhacaya goobaha ay dagaaladu ka socdaan, balse ma jiraan cid sheegi karta khasaare dhashay.
Dagaal shalay [Nov 21, 208] ka dhacay deegaanada saakay lagu dagaalamayo oo ay ka mid yihiin Qubuurihii Barkaat, Caymiska iyo Xaafado kuteedsan ayaa waxaa ku dhintay 20-qof, halka ay ku dhaawacmeen 15-qof oo kale.
Midowga Maxkamadaha oo qayb ka ah dagaalka iyo DF oo siyaabo kala duwan saxaafada ugu waramay ayaa kala sheegtay guulo, iyadoo dhinac walba uu xusay inay dhanka kale ka dileen tiro ciidamo ah.
"Dagaalka waxaa nooga dhintay 3-ruux, waxaana nooga dhaawacmay 6-kale, dhinaca nala dagaalamayana waxaan ka dilay 15-askari, khasare badan waan gaarsiinay" ayuu yiri C/raxiim Ciise Cadoow oo u hadlayay Mucaaradka.
Col. Daahir Max'ed Xirsi oo u hadlay ciidamada dowlada ayaa isaguna sheegay inay dileen 31-mucaaradka ka tirsan, tiro kalena ay dhaawaceen, isagoo ku sheegay khasaarahooda dhimashada laba askari iyo dhaawaca laba kale.
Dagaaladan kasoo cusboonaaday Muqdisho ayaa cabsi weyn ku beeray shacabka, waxayna kusoo aadayaan iyadoo lagu waday in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan saldhigyo lagu cayimay heshiiskii Jabuuti.
Garowe Online, Muqdisho