Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Dalxa oo eedeeyey UN-ka


Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka DF Prof. Max'ed Cumar Dalxa ayaa ku eedeeyay hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay inay si aan sharci ahayn u isticmaalaan lacagta loogu talogalay in lagu gargaaro dadka Soomaaliyeed.

Prof. Dalxa ayaa sheegay in Hay'adaha gargaarka ee Un-ku UN-ku ay xafiisyo ka furteen Magaalada Nairobi ayna lagu soo qaaday in lagu taageerayo Somalia ay ku iibsadeen gaadiid qurux badan ayna ku dagan yihiin Hoteelada Kenya.

"Gargaarka ay dalalka caalamku ugu talogaleen in lagu caawiyo shacabka Somalia ee lasoo marsiiyo hay'adaha Qaramada Midoobay waxay u isticmaalaan sidii ay doonaan" ayuu yiri Prof. Dalxa oo ku sugan Nairobi, isagoo intaas raaciyay:

"Ma'suuliyiinta hay'adaha UN-ka waxay sidoo kale lacagtaas deeqda ah u isticmaalaan duulimaadyo aan loo baahnayn oo ay ku tagayaan caalamka intiisa kale si ay lacago kale u weydiistaan".

Wuxuu hay'adahaas ku eedeeyay inay qorteen shaqaale kumanaan qof ah oo uga shaqeeya xafiisyada, iyagoo mushaar ahaan u siinaya lacagta gargaarka loogu talogalay, taasoo uu sheegay in caalamku uu iska indho-tirayo.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somalia wuxuu DF ku tilmaamay mid aan waxba ka qaban karin boobka ay hay'adaha shacabka loogu talogalay ku hayaan hay'adaha UN-ku gaar ahaan kuwa gargaarka.

"Dowladu waa mid magac keliya wadata ee balse aan waxtar lahayn, waayo waxaa laga siiyaa dhaqaalahan faraha badan ee lagu takri-falyo xoogaa yar oo sandareerto ah" ayuu yiri Prof. Dalxa oo DF ku tilmaamay mid aan awood lahayn.

Sidoo kale wuxuu sheegay in DF aysan wax gargaar ah si toos ah uga helin beesha caalamka, marka laga reebo $3-Million oo sanadkii hore la siiyay, isagoo xusay in gargaarkaas uu qayb ka yahay kuwa ay isticmaalanayaan hay'adaha UN-ka.

"Xukuumadii Col. C/llaahi Yuusuf waxay ahayd mid si toos ah uga heshay calaamka lacag gaaraysa $150-Million, waxaana hubaal ah in dowladaas ay ahayd mid heshay dhaqaale aanay helin xukuumada hada jirta" ayuu yiri Prof. Dalxa.

Gudoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in hay'adaha UN-ku ay sheegaan inaysan ku shaqeyn karin gudaha dalka Somalia sababo dhanka amaanka ah, ayna taasi tahay mid aad uga yaabisay isaga.
 
GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us