Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Dasturka DF oo lagu soo bandhigey PL


Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyaha Barlamanka
Munaasabad oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Maxamud "Farole", saraakiil ka tirsan hay'ada UNDP, Wasiiro , mudanayasha Barlamanka Puntland kuwaasoo uu hogaaminayey afhayeenka golaha, madaxda hay'adaha bulshada rayidka ah ayaa waxaa lagu soo bandhigey markii ugu horeysay Dastuurka Federaalka Somalia ee qabyada ah.

Xafladaan oo lagu qabtey xarunta madaxtooyada Garowe ayaa Dastuurkaan waxaa soo bandhigey guddi u xilsaaran qoraalkiisa iyo sarkiil ka socota hay'da UNDP ee QM.

Mudanayaal & Wasiiro ka tirsan Puntland
Waxaa halkaa lagu soo bandhigay Nuqulkii koowaad ee Dastuurka qabyada ah 'Draft Constitution"  taasoo la sheegey in la filayo in maamulka Puntland talo ku biiriyo islamarkaana la wafaajiyo Dastuurka Puntland.

Xaawo Cali Jamac oo xubin ka ah Gudiga Dasaturka Somaaliya qoraalkiisa oo halkaa ka hadashay ayaa jeedisay hadalan ku wajahan nuqulkaan qabyada ah iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay dhameystirkiisa iyo sida loo aqbali doono,

Waxa isna halkaa ka hadlay Gudomiyaha Barlamanka Puntland Cabdi Rashiid Maxamad Xirsi oo xusay muhiimadda Dastuurkan u leeyahay shacabka Soomaliya iyo hogaankooda uuna noqon doono mid looga bixi doono kumeel gaarnimada.

Gabagabadii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole oo munasabada kahadlay ayaa ka waramay arigtidiisa ku aadan Dasturkan dhameystirkiisu, isagoo sida kale u tacsiyeeyay Xildhibaanadii lagu weerarey Hotel Muna.

Dhegeyso khudbada Madaxweynaha oo dhinacyo badan taabanaya.



RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us