|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Dhimashada qaraxii xalay Muqdisho
9 Feb 9, 2012 - 2:37:04 AM
|
Waxa sii badanaya tirada dhimashada uu geystey qaraxii ismiidaaminta ahaa oo xalay ka dhacey Hotel Muna oo ku yaal degamada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa dhacey ka dib markii gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu galay maqaaxi ku dhegan Hotel Muna ,waxana sheegatay masuuliyadiisa kooxda Al-shabaab.
Sida ay baahisey idaacada afka Al-shabaab ku hadasha ee Al-Andalus oo waraysanasey hogaamiye katirsan ururka weerarka ayaa ku dhacay gaari waxyaabaha qarxa aysana la socon dadyow naftood hurayaal ah.
Dhanka kale qoraal ka soo baxay safaarada Britain ee Muqdisho ayaa si weyn lagu canbaareeyey weerarkii xalay lagu qaadey Hotel Muna oo shacab badani ku leedeen.
‘’Waxaan canbaareynayaa weerarka fuleynimada ah oo ka baxsan bini’aadanimada,waxaan garab taaganahay shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan inta ka shaqeyneysa nabada iyo xasiloonida Somalia, dhacdadana waxay sii xoojineysaa iskaashi iyo dhiiranaanta shacabka Soomaaliyeed sidii ay muqstaqbal fiican u dhisan lahaayeen oo ka maranyahay rabshado iyo xagjirnimo’’. Ayuu ku yiri Matt Bough safiirka Britain warsaxaafadeedka.
Weerarkan ayaa dib maskaxda u xasuusinaya dhacdadii foosha xumay ee dhacday 24 ,Aug 2012 ,kadib markii laba nin oo ka tirsan Al-shabaab intay gudaha u galeen Hotel Muna isku qarxiyey ,waxana waxyeelo soo gaarey in kabadan 50-ruux oo dhimasho iyo dhaawacba lahayd.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|