Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Dhowr qof oo lagu dilay Dhadhaab

Dabley hubeysan ayaa afar qof oo isku hayb ah ku dishay deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in kooxaha dilka geystay ay markiibta goobta ka baxsadeen, waxayna tani sare u qaadaysaa xaalada amaan-daro ee ka jirta xeryaha Dhadhaab.

Goobjoogayaal ku sugan Xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen xoolo dhaqato, ayna dileen kooxo hubeysan oo baxsaday, iyadoo laba ka mid ah goobta lagu dilay, sidoo kalena kooxaha hubeysan ay jidka u galeen dad u socday halka uu dilku ka dhacay ayna ka dileen laba qof iyagoo dhaawacay qof kale.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa tan iyo sanadkii hore ka dhacayay falal amaanka wax u dhimaya oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan, afduubyo iyo qaraxyo iyadoo uu dilkan imaanayo xili ay Dowlada Kenya ku amartay Qoxootiga iyo dadka aan sharciga lahayn inay tagaan xeryaha Qoxootiga.

Booliiska Kenya ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ay ku raadinayaa kooxihii weerarka ka dambeeyay, iyadoo booliisku ay xalay tegi waayeen halka uu falku ka dhacay sababo ay ku sheegeen amaanka oo xun.

Dilalkan ayaa la sheeagyaa inay salka ku hayaan aano beeleed, iyadoo warar kale ay iyaguna sheegayaan inay yihiin kuwo ay geysteen kooxo bastoolado watay oo loo maleynayo inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Dhadhaab ayaa waxay hoy u tahay in ka badan 630,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo ka cararay colaada iyo abaaraha ka taagan Soomaaliya, waxaana ka mid ah dadka xeryahaas ku jira kuwo tagay 21-sano ka hor.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Wafdiga IGAD oo la kulmey ergadii dooratay A.Madoobe
''Midnimada Somalia waa Muqadas''
AMISOM oo ka hadashay Kismaayo


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation
MOGADISHU, Somalia May 19, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

PM Shirdon launches New Deal for Somalia at Mogadishu event

Somaliland minister rejects control of airspace by Somalia govt

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us