Dibadbax ka dhacay Muqdisho 8 Nov 8, 2012 - 6:49:07 AM
Banaanbax lagu taageeray xukuumada Somalia ayaa maanta 08 November,2012 ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybagleen Qaybaha Bulshada, Wasiirada Cusub, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra'iisul wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon.
Dibadbaxan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay ardayda dugsiyada Muqdisho iyo Fanaaniin waxaana xubnihii ka hadlay halkaas ay soo dhaweeyeen xukuumada ka kooban 10 wasiir ee uu Todobaadkan ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Saacid.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] ayaa sheegay in Shacabka Muqdisho ay ku kalsoon yihiin 10-ka wasiir iyaguna ay ka dalbanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan xukuumada cusub ee Soomaaliya.
"Shacabku waxay yiraahdeen waxaan ku kalsoonahay xukuumada tirada yar, inaguna waxaan ka doonaynaa xildhibaanada inay rabitaanka shacabka raacaan oo ay ansixiyaan xukuumada" ayuu yiri Tarsan oo dibadbaxa ka hadlayay.
Haweenkii kulanka ka qaybgalay oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweyayaan Xukuumada cusub, waxayna sheegeen inaysan fariisan doonin inta ay xildhibaanadu baarlamaanku ka ansixinayaan Xukuumada.
Ra'iisul Wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon oo kulanka ka hadlay ayaa u sheegay dadweynihii halkaas isugu yimid inuu rajo wanaagsan ka qabo in la ansixiyo Xukuumada uu soo dhisay, wuxuuna balanqaaday inay wax badan ka qabanayaan xaalada uu dalku ku sugan yahay.
"Aniga iyo Xukuumadeyda waxaa naga go'an inaan wax ka qabano xaalada uu dalku ku sugan yahay inagoo kaashanayna shacabka Soomaaliyeed iyo intii gacanta ka geysatay in dalku uu ka baxo meel ku gaarka ah" ayuu yiri Saacid.
Fanaaniin dibadbaxa ka qaybgalay ayaa waxay soo bandhigeen heeso taageero ah, iyagoo xukuumadana ugu baaqay inay la timaado waxqabad dalka lagu hormarinayo iyadoo lagu soo beegay dibadbaxan iyadoo lagu wado in xukuumada Sabtida la hor-geeyo baarlamaanka.