Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Diwangalinta ururada oo la kordhiyey

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa maanta 08 December,2012 ku dhawaaqey in muddo saddex todobaad ah lagu kordhiyey wakhtiga ay xirmeyso diiwaangelinta ururada iyo axsaabta siyaasada Puntland oo horey u ahaa 10-ka bishan December,2012.

Gudoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa ku dhawaaqey arrintan ,waxana uu amaanay habka ay u socdaan u gudbiadda nidaamka axsaabta badan Puntland.

Ka sokow Ururka Horseed ee talada haya haatan Puntland waxa jira ururo kale oo dhowaan looga dhawaaqey Bossaso iyadoona la filayo in kuwo kalena ku soo biiraan saaxada siyaasada Puntland si loo dhamaystiro geedi socodka looga baxayo nidaamka wax ku qaybsiga Qabiilka.

Haddaba Warsaxafdeedka ay guddiga doorashooyinka maanta ay soo saareen ayaa qornaa sidatan

Ujeedo:Kordhinta Mudada Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Guddiga doorashooyinka ee kmg markuu shirar wadatshi ah la yeeshay waxgaradka bulshada Puntland ee gobollada dalka.

Markuu dhagsaystay :codsiyo ka imaanaya bulshada qaybaheeda kala duwan,

Markuu u kuurgalay :dareenka dadweynaha ee ku aadan rabitaanka iyo furashada Ururada siyaasadda ee Puntland.

Markuu arkay :u heelanaanta iyo abaabulka ballaaran ee bulshadu wado si ay u furato ururro siyaasadeed,

Markuu tixgeliyey:
mudada kooban ee u harsan diiwaangelinta ururada siyaaasadda ee Puntland oo ku eg 10-ka December ,2012.

Markuu arkay :wakhtiga uu u baahanyahay hanaan iyo habraaca laga doonayo ururada siyaasadda ee Puntland inay soo buuxiyaan si loo diiwaangeliyo,

Guddiga doorashooyinka ee kmg ah fadhi rasmi ah oo uu yeeshay khamiista oo taariikhda ay ahayd 6 December 2012,wuxuu go'amaiyey in la kordhiyo mudada diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Puntland laguna daro saddex toddobaad oo ku eg 31 December,2012,guddigu wuxuu cadaynayaa kordhintan wax saamayn ah kuma yeelan doonto hanaankii iyo Roadmap-kii horay loo soo bandhigay.

Ururada is diiwaangeliyey waxaa laga doonayaa inay shuruudaha wajiga labaad ay ku soo dhamaystiraan ka hor 10 February 2013,sida ku cad hanaanka diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Roadmap-kaba.

Guddigu wuxuu ka cadsanayaa dadweynaha ururada siyaasadda ee Puntland inay mudadaas kor ku xusan ku soo dhamaystiraan dhmmaan shuruudaha laga doonayo si loo diiwaan geliyo.

DHAMAAD

GAROWE ONLINE

RELATED:
Horssed oo laga furey Godob-Jiiraan
Garowe: Kooxo u baxaya talaalka xoolaha Puntland
Wafdiga IGAD oo kulamo yeeshay


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation
MOGADISHU, Somalia May 19, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

PM Shirdon launches New Deal for Somalia at Mogadishu event

Somaliland minister rejects control of airspace by Somalia govt

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us