''Waa qorshe argagixiso oo siyaasad leh'' 2 Aug 2, 2012 - 10:05:34 AM
Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole ayaa ku tilmaamey dilalka qorshaysan ee mararka qaar ka dhaca deegaanada Puntland kuwo argagixiso danno siyaasaded ku fuliyaan.
Dr.Cabdiraxman oo galabta 2 August,2012 wareysiiyey laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa ka waramay xaaladaha amaan ee Puntland oo dhowaanahan ka dhaceen dilal lala bartilmaamaydsanayo masuuliyiin ka tirsan dowaldda iyo kuwo muhiim ah dadweynaha.
‘’Waa qorshe siyaasadeysan oo argagixiso oo loola jeedo in Puntland xasilooni darro lagu rido’’ ayuu yiri Dr.Cabdiraxman Maxamed.
Ciidamada amaanka ee Puntland ayuu ku adkeeyey madaxweynuhu inay filan yihiin kooxaha amaan darida ka wada Puntland isagoona u sababeyey in dhibaatada koonfurta Somalia ka jirta ay saameyn ku yeelatey Puntland ka dib markii Al-shabaab lagu jebiyey dagaaladii ay la galeen ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMIOSM.
Waxa uu raaciyey in gacanta ku dhigeen dad badan oo ka tirsan kuwa loo soo tababaro dilalka qorshaysan oo ka u gaarsada masaajida.
‘’Dad badan oo aan qabaney baa jira oo ah dadka loo soo tababarey inay bartilmaansadaan dadka birmageydada Puntland’’ ayuu ku darey hadalkiisa Dr.Farole.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa khudbadiisi sanadguurada asaaskii Puntland waxa uu sidan oo kale ku tilmaamay dilalaka qorshaysan ee Puntland ka dhaca kuwo argagixiso oo siyaasadeyn inkastoo uusan carabka ku dhufan koox ama cid gaar ah.