Diyaarinta Shirka Jubaland oo ka socota 10 Feb 10, 2013 - 8:34:00 AM
Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ku qulqulayey ergada ka qaybgalaysa shirweyanaha maamul u samaynta Jubooyinka oo dhowaan la filayo inuu ka furmo halkaasi.
Odayaasha dhaqanka ,aqoonyahano iyo qurbajoog ka soo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ka qaybgalaya shirka sidoo kalena waxa ku sugan magaalda wafdigii IGAD oo hawsha wax ka wadey.
Shalay ayaa waxa gaaray kismaayo 25 xubnoood oo ah guddiga Farsmada oo uu hogaaminayo Shiikh Maxamuud Aw-Libaax waxana ay la kulmeen Shiikh Axmed Madoobe oo madax ah maamulka KMG ee Kismaayo.
Mar sii horeysey Madaxweynaha Puntland waxa uu soo dhoweeyey maamul looga dhawaaqo Kismaayo isagoona sidoo kale ku baaqey in loo daayo talada dadka deegaanka sidii ay ugu heshiin lahaayeen iyadoona aysan soo faro gashan DF Somalia.