From Garoweonline.com
Djibouti oo la eedeeyey
By
Feb 9, 2010 - 9:55:02 AM
Xisbul Islam oo eedeysay Jabuuti
Xoghayaha wafaafinta Ururka Xisbul Islam Sh. Max'ed Macalin Cali oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay dalka Jabuuti inay qeyb ka noqotay dhibaatada lagu hayo shacabka Somalia.
Sh. Max'ed Macalin wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in abaalkii ay Somalia dalkiisa u gashay uu ku badalay inuu qayb ka qaato dhibaatada lagu hayo shacabka Somalia.
"Dalka Jabuuti inuu qayb ka noqdo dalalka u adeegaya shisheeyaha ee dhibka ku haya Somalia aad ayaan uga xunahay, waxaana ka dalbaynaa inta waxgaradka ah inaysan ciidamo isaga soo dirin Somalia" ayuu yiri Sh. Max'ed Macalin.
Xukuumada Jabuuti ayaa sheegtay inay ciidamo gaaraya 450-askari oo ka mid noqda AMISOM ay u dirayso Somalia, iyagoo sheegay in ciidamadaas ay qayb ka yihiin gacanta ay siinayaan DF.
Ururka Xisbul Islam ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hadalkii kasoo baxay dalka Nigeria ee ahaa inaysan ciidamo u soo dirayn Somalia, sababo la xiriira dagaalada u dhexeeya kooxaha hubeysan ah iyo Dowlada.
"Maalinta Jimcaha ah ee soo socda waxaan ku qabanaynaa banaanbax aan uga soo horjeedo goa'anka Jabuuti iyo duqeymaha AMISOM, dadkuna waa inay kasoo qaybgalaan" ayuu yiri xoghayaha warfaafinta ee Xisbul Islam.
Sarkaalka u hadlay Xisbul Islam wuxuu ugu baaqay dalalka Afrika inaysan ciidamo u soo dirin Somalia, isagoo sheegay in taasi ay keeni karto in dagaalada Somalia ay sii xoogeystaan.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com