From Garoweonline.com

Wararka
PL oo codsatey in loo soo diro barayaal
By
Mar 11, 2010 - 8:40:59 PM

Warbixin si qarsoodi ah loo heley oo dhowaan ay daabacdey jariidada New York Times ee kasoo baxda cariga Mareykanka ayaa waxaa cambaareyn dusha uga tuurey dowladda Puntland.

Qoraalkaan Jariidada qortey ayaa waxaa laga soo minguuriyey warbixin guud oo hay'ada la yiraahdo UN Monitoring Group [IMG] ka diyaarisay Somalia wax-na kaga sheegtey sida laga soo xigtey New York Times in "Madaxweynaha Puntland xiriir qoto dheer la leeyahay burcad badeedka ka howlgasha degaanada Puntland kuwaasoo kadib qeybo kamid ah lacagaha ay madax furashada u qataan u soo gudbiya dowladiisa."

Wasiirka warfaafinta Puntland Mud.Cabdixakiim ayaa ku tilmaamey eedeeyntaan mid aan sal iyo raad toona laheyn islamarkaana ah mid lagu ceebeynayo madaxweynaha iyo shacabka Puntland una baahan in la cadeeyo.

Mud.Cabdixakiin oo saakey la hadley laanta Af-Somaliga ee BBC ayaa sheegey in dowladda Puntland weli helin nuqul kamid ah warbixintaan balse tilmaamey iney gacan ka gaysteen diyaarinta warbixintaan canaasiir caadeysatey cambaareynta Puntland kuwaas oo ku dhuumanaya magaca hay'adaha QM.

Qoraalkaan jawaabta ah ee kasoo baxey dowladda Puntland oo ahaa mid adag ayaa lagu sheegey in maamulkoodu dagaal kula jiro sidii loo ciribtiri lahaa burcad badeedka iyo dhamaan dadka qafaasha shisheeyaha iyadoo wax tageero ah aan laga helin beesha caalamka.

Dhinaca kale qoraalka kasoo baxey Xukuumadda ayaa lagu sheegey in Puntland ku faani karto ololaha dhinaca wacyi galinta ah kaasoo hoos u dhigey howlaha burcad badeedka kana dhigey wax ceeb ah oo maanta dhlinyaradu ka xishooto in la sheego.

Dowladda Puntland ayaa dagaalka ay kula jirto burcad badeedka ku markhaati gashatey ururada ka howlaga xeebaha Somalia sida Nato oo kaashaneysa EURONAFOR, wamadamada Mareykanka, Fransiiska, Spain iyo Ingriiska gaar ahaan saxaafada caalamka oo booqasho joogta ah ku timaada degaanadeeda.

Warsaxfedeekaan  kasoo baxey Puntland ayaa Wasiirka Warfaafinta ku codsadey in baarayaal caalami ah oo madax banaan loo soo diro Puntland kuwaasoo xaqiijinaya ineysa wax ka jirin beenta ay dhoodhoobeen IMG.

Mr.Cabdixakim ayaa sheegey in kooxda la sheegey in warbixntaan diyaarisay wax booqasho ah ku imaan Puntland islamarkaana aysan la soo xiriirin Xukuumadiisa isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamey in New York Times waydo cid ay kala hadasho Xukuumada si ay jawaab uga bixiso qoraalka IMG.

Ugu dambeyntii Warsaxafadeedkan ayaa lagaga codsadey QM in talaabo laga qaado shaqsiyadka qora warbixinadan aan salka laheyn islamarkana loo ogolaan in magaca hay'adaan wakiilka ka ah shacab weynaha caalamka si khaldan loo isticmaalo awoodaheeda.

AKHRI: Warsaxdeefdka Puntland [English]

GAROWE ONLINE



http://www.garoweonline.com