Dr.Farole oo tagay Kuliyada Caafimaadka 30 Dec 30, 2012 - 4:36:22 AM
GAROWE ONLINE
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 30 December,2012 waxa uu booqasho ku tagay Kuliyadda Culuunta Caafimaadka magaalada Bossaso halkaasi oo ardeydu si weyn ugu soo dhoweysey.
Wasiirka Caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi Warsame ayaa wehelinayey iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ,waxana xaflad loogu qabtey uu ardeyda kula hadlay hoolka Kuliyada ayna kala soo qaybgaleen maamulka iyo macalimiinta machadkan.
Bilowgii waxa ka soo sheekeeyey asaaskii iyo heerarkii kala duwanaa uu soo maray machadku Prof.Cabdirisaaq Xuseen Xasan oo sheegey in 1998 dhamaadkeedi la dhisey xaruntan lagu wado dhowaan in jaamacad laga dhigo u gaar ah barashada caafimaadka.
Madaxweynaha Puntland waxa uu ka soo jeedshey madasha khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan ku abaaray hadalkiisa laga soo bilaabo dhiirigelinta inay u dhabar adeegaan waxbarashada si berito ay u daryeelaan caafimaadka bulshada.
Waxa uu ku booriyey xoojinta amaanka iyo nabadgelyada ka sokow wada shaqeynta dowladda iyo dhalinyarada waxa uu xasuusiyey in dhalintu yihiin waayadan danbe kuwo la marin habaabiyey loona baahanyahay inay feejignaadaan.
Geedi socodka Dimoqraadiyada Puntland ayuu dhalinta iyo haweenka tilmaamay inay yihiin kuwa ugu horeeyaa e fursad ka heli doona ,loona baahanyahay inay haatan ka qayb qaataan.
Intaaasi ka dib ayuu Dr.Farole waxa uu dhagax dhigey Dhismaha cusub ee yeelanayso Jaamacada Culuunta Caafimaadka ee magaalada Bossaso.