''Halkan bn fariisan jirey 1952-dii'' 18 Oct 18, 2012 - 7:21:28 AM
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole waxa uu tagay dhowaan degmada Eyl ee gobolka Nugaal ,waxana uu booqdey fasalkii uu ka fariisan jirey dugsi hoose marka uu ahaa 1952.
Safarka madaxweynaha ee gobolka Nugaal qaar kamida deegaanadiisa oo ay weheliyeen wasiiro iyo saraakiil madaxtoyada ah ayaa dib ugu soo guryo noqdey Garowe galabnimadii Arbacada.
Madaxweynuhu waxa uu soo maray Tuuloyinka Qarxis ,Xasbahale iyo degmada Eyl ,iyadoona si weyn loogu soo dhoweeyey halkaasi kulamona la qaatey waxgaradka ,odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqneyd halkaasi.
Iskuulada iyo xarumaha dowladda ayuu booqdey intii uu ku sugnaa Eyl ,waxana ardeyda uu ka qayb qaatey wax u dhigidooda.
Muddo kooban ayuu Dr.Cabdiraxman Farole xasuus ku galay fasalkii uu fariisan jirey 60 sanno ka hor ,waxana uu ahaa dareenkiisu mid ku dheehnayd farxad aan la soo koobi karin.
Garowe Online sidii ay idiin balan qaadey waxay akhristayaasheeda ku xiran u soo gudbineysaa sawiradda booqashada madaxweynaha ,kormeerka uu ku tagay iskuulada ,soo dhoweynadiisa iyo weliba muuqaalka dabeecada oo ahaa mid aad u qurxoonaa.