|
|

|
 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Faahfaahin: kulankii Dr.Farole & Geele
20 Jan 20, 2013 - 11:29:54 AM
|
GAROWE ONLINE
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa magaalada Jabouti kula kulmey Madaxweynaha Jamhuriyada Jabouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele.
Waxa kala qaybgalay kulanka masuuliyiin ka socotey labada dhinac oo ka mid ahaayeen wasiirka Amniga Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan ,wasiirka Dekedaha Eng.Siciid Maxamed Raage iyo Siyaasi Cali Cabdi Awaare.
Sida uu Radio Garowe u sheegey wasiirka Amniga Puntland kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadlay xiriirka labada dhinac xoojintiisa,iyo in la iska kaashado ladagaalanka Argagixisada iyo Burcad badeeda.
Dalalka deriska ah ayuu sidoo kale masuuliyiin ka socdey Dr.Farole uu la kulmey kana wada hadleen xaalada Somalia ,geedi socodka dimoqraadiyada Puntland iyo sidii la iskaga kaashan lahaa nabadgelyada gobolka.
Halkan ka dhageyso Cali Fantastic oo wareystey Khaliif Ciise Mudan
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|