Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Dulimaad ka bilowdey Garowe Addis


Waxaa galabta 31.08.2010 gabal dhicii soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha cusub ee Garowe diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka Punt-air oo tasoo isaga gooshi doonta gobolada magaalooyinka Puntland iyo Addis Ababa.

Diyaaradaan oo dulimaadkeedii ugu horeeyey soo cagadhigatey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa la socdey safiirka Somalia u fahdiya Ethiopia iyo madaxda shirkada Punt-air iyadoo halkaas ka dhcadey munaasabad balaaran.

Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qayb galey Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland, xildhibaano, maamulka gobolka Nugaal, madaxda qunsilayada dalka Ethiopia u fadhiya Garowe iyo bahda saxaafada.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali "Qarjab" oo hadal kooban jeediyey garoonka diyaradaha Garowe aya sheegay in ay soo dhawaynayan duulimaadka shirkada Punt-air kaasoo isaga gooshi doona Addis iyo magaalooyinka Puntland.

Qunsulka dalka Ethopia u fadhiya Puntland oo ku dheeraaday xiriirka u dhexeeya labada dhinaca ayaa tilmaamay in dhankooda tahay waxaa ay ku farxaan inuu sii xoogayso isagoo goobta ka sheegay in wixii ka danbeyey asaaskii qunsiliyada ay meel mareen iska warqab iyo xiriir joogta ah ee dhexmaro Puntland iyo dowlada Federalka ee Ethopia .

Qunsulka ayaa intaasi raaciyey in intii xafiiskaan shaqaynayey fududeeyeen howlo badan oo ah safarka ilaa 500 Fiiso ay siiyeen dad Reer Puntland kuwaasoo u sahlanaatay safarkooda.

"Waa mid runtii ka wayn in goob laga sheego horumarka iskaashiga leh ee u dhexeeya Puntland iyo Ethopia runtii maamulka hogaanka haya hada waxaa uu hagaajiyey xiriirka caalamiga ah" ayuu yirri qunsulka Ethopia ee Puntland Asmales.

Danjiraha Soomaliya u fadhiya dalka Ethopia Siciid Yuusuf Nuur ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey Garowe xusayna in shirkada duulimadkeeda ugu horeeyey uu nasiib u yeesho inuu ku yimaado Puntland.

Wasiirka Wasarada duulista Hawada iyo Garomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo hadal kooban jeediyey ayaa guul dhaxal gala ku tilmaamay bilowga duulimaadkaan taasoo ay suurtaglisay Wasaarada oo kaashanaysa madaxda qunsuliyada Ethopia ee Puntland iyo mas'uuliyiin kale.

Dowladda Puntland ayaa tan iyo intii la doortey ku dadaashey in la kordhiyo xiriirka caalimaga gaar ahaan kan Ethiopia.

Madaxweynaha Puntland ayaa safardii uu ku tagey dalka Ethiopia waxaa surtaglisay in qunsilayad laga furo magaalada Garowe tasoo sababtey in dadka reer Puntland waraaqda dalka ku galka Ethiopia qataan  iyagoo aan meelna u safrin.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us