Ugu yaraan 2-qof ayaa ku dhintay, 5-kalena way ku dhaawacmeen madaafiic maanta [Sep 02] ku dhacay degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood, kuwaasoo laga tuuray saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho.
Madaafiicda oo qaarkood ku dhacay suuqa Bakaaraha oo dib u furmay, kadib saameyn ay ku yeesheen dagaaladii Muqdisho ka socday mudada halka todobaad ka badan, waxaana la sheegay inuu dib u xirmay.
"Waxaan daadgureynay dhaawacyada 5-qof oo wax ku noqday duqeymo maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana goobta intooda badan ka qaadnay Bakaaraha" ayuu yiri madaxa gaadiidka Ambulance-yada Muqdisho Cali Muuse oo saxaafada la hadlay.
Mas'uulkan, wuxuu sheegay in intii ay howlaha gurmad ah maanta wadeen ay arkeen dhimashada hal qof oo uu madfac dilay, halka qof kale oo goobjooge ah uu u sheegay GO inuu arkay dhimashada qof rayid ah.
Duqeymahan ayaa dhacay iyadoo aanay jirin wax dagaalo ah oo ka socda Muqdisho, waxaana odayaasha dhaqanka Muqdisho ay durba cambaareyn u jeediyeen ciidamada AMISOM, iyagoo ugu baaqay inay duqeynta joojiyaan.
Madafaiicdan ayaa sababay in suuqa Bakaaraha uu dib u xirmo, iyadoo ganacsatadii iyo dadkii kale ee dukaameysiga u joogay ay ka yaaceen suuqa markii ay duqeyntu bilaabatay.
Hay'adda Life Line Africa iyo Nation-Link Telecom oo aasaastay Ambulace-yada qaada dadka ku dhaawacma dagaalada ka dhaca Muqdisho ayaa sheegtay in 10-kii maalmood ee dagaaladu ka socdeen Muqdisho ay qaadeen dhaawacyada 333-qof oo shacab ah, ayna arkeen intii ay dhaawacyada qaadayeen 105-qof oo dhintay.
Madaxa hay'addan ayaa sheegay in dhaawacyadii ay qaadeen oo ay kala geeyeen Isbitaalada Muqdisho ay u badnaayeen haween, dhaawacyada intooda badana ay ahaayeen kuwo halis ah.
Dhanka kale, howlwadeenada Isbitaalada Muqdisho ay kala taageeraan hay'adaha MSF iyo ICRC ayaa sheegay inay la tacaalayaan dhaawacyadii ka dhashay colaadii ugu dambeysay ee Muqdisho ka dhacday.
GAROWE ONLINE