Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Duqeymo ka dhacay Muqdisho

Madaafiic ku dhacday Degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhow Villa Somalia ayaa waxay sababeen dhaawacyada 5-qof, kuwaasoo ahaa shacab ay madaafiicdu kula dhacday guryahooda.

Duqeyntan oo ay mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab ayaa waxay sheegeen in ay ku weerareen Villa Somalia, iyadoo aanay jirin madaafiic ku dhacday gudaha xarunta madaxtooyada sida ay sheegeen Madaxda DF iyo ilo wareedyo kale oo ka madaxbanaan.

"Madaafiicdu waxay ku dhacday intooda badan degmada Boondheere, waxayna u geysatay dhaawacyo kala duwan dad shacab ah" ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Boondheere Cabdullaahi Istakiin oo saxaafada la halay.

Sidoo kale, gudoomiyaha wuxuu sheegay in duqeyntan ay geysteen Al-shabaab ayna socdaan baaritaano lagu raadinayo kooxihii geystay, ayna sharciga horkeeni doonaan maalmaha soo socda.

Kulan looga hadlayay Amaanka Muqdisho ayaa wuxuu isla maanta ka dhacay Villa Somalia kaasoo ay ka qaybgaleen Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ra'iisu Wasaaraha, waxaana looga hadlay xoojinta Amaanka Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo Al-shabaab ay isaga baxday [Aug, 2011] ayaa waxaa weli ka dhaca falal amaandaro oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay dad badan waxyeelo kasoo gaarto, iyadoo dowladuna ay awoodi wayday inay amaanka oo dhan gacanta ku dhigto.

Prof. Jawaari iyo Saacid Faarax ayaa labaduba sheegay inay amar ku bixiyeen in sharciga la horkeeno kuwii ka dambeeyay, iyagoo shacabka ka dalbaday inay ka geystaan gacan sidii loo adkeyn lahaa Amaanka Caasimada kuwa dambiyada geysanayana loosoo qaban lahaa.

Duqeyntan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Madaxweynaha Somalia uu safar uga maqan yahay dalka, balse waxaa horay duqeymo caynkan oo kale ah oo khasaare geystay loogu weeraray Villa Somalia oo ah xarunta ay ku howgasho DF.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Geoff Tooth
Hor-Cad oo xulaysa xubnaha
Dr.Farole oo ka hadlay Jubaland


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland police receive gender violence training
GAROWE, Somalia May 19, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us