Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Duqeymo khasaare geystay


Ugu yaraan 3-qof ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dhowr madfac oo ku dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena ay madaafiic kale ku dhaceen Suuqa Bakaaraha.

Madaafiicdan ayaa waxaa laga tuuray Madaxtooyada sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool degmooyinka duqeynta loo geystay, waxaana madaafiicdii ku dhacay suuqa Bakaaraha ay sababeen dhaawcyada afar qof oo dadkaas ka mid ah.

"Dhaawacyada 10-qof ayaan ka qaadnay xaafado ay ku dhaceen madaafiic culus, waxaana ka mid ah goobaha ay madaafiicdu waxyeelada ka geysateen Bakaaraha, Xararyaale, Suuq Bacaad iyo Sanca" ayuu yiri Cali Muuse oo madax ka ah gaadiidka degdega ah ee Muqdisho.

Duqeyntii ku dhacay suuqa Bakaaraha ayaa waxay cabsi ku beertay dadkii halkaas u tagay ganacsiga iyo ganacsatadii, iyadoo la sheegay in hakad uu galay ganacsiga suuqa muddo kooban, balse uu dib u furmay.

"Waxaan gaarsiinay dhaawacyadii ka dhashay duqeyntii maanta Isbitaalka Dayniile iyo Isbitaalka Keysaney ee waqooyiga Muqdisho, qaarkood waxay ahaayeen kuwo halis ah" ayuu yiri Cali Muuse oo saxaafada uga warbixiyay khasaaraha duqeynta.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca duqeymo aad u culus oo ay khasaaraha ugu badan kasoo gaarto dadka rayidka ah ee ku harsan, iyadoo labada dhinac ee isku haya talada dalka ay isku eedeeyaan khasaaraha shacabka gaara.

Duqeymo hore oo khasaare badan geystay ayaa ku qasbay qoysas badan oo ku noolaa Magaalada Muqdisho inay ka barakacaan, iyagoo baqdin ka qaba in gulufka u dhexeeya Dowladda iyo Islaamiyiinta ay khasaare kasoo gaarto.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us