GAROWE
ONLINE
Hayada
ka hortega Masiibooyinka Puntland ee Hadma aaya dadka ku nool deegaanada ay
marto badweynta Hindiya waxa ay uga digtay duufaan la filayo inay saacadaha soo
socda ay ku dhufato deegaano ay ka mid yihiin Eyl iyo Garacad,
Agaasimaha haya'ada Hadma C/laahi Cayrow oo la hadlay Radio Garoowe ayaa
sheegay inay warbxinahan ay u soo gudbiyeen hay’adaha ka shaqeeya dhanka
cimilada,wuxuuna xusay inay la xiriireen dadka ku nool degaanada ay laga yaabo
inay duufaantu saamayso.
Waxa sheegay agaasimuhu inay
Puntland duufaanatni ay ka marayso Eyl iyo Garacad,dadka deegaanadas ku dhaqan
ayuu sheegay inay ku amreen inay badda ka saraan qalabka u yaala aysana u shaqo
tegin.
Duufaantan oo loogu
magacdarey Faul4 ayaa lagu wadaa in subaxnimada Salaasada Beri ay soo gaarto
xeebaha Somalia waxana la sheegey inay Saacadiiba goyneyso xawaare dhan 80Mile.
Halkan ka dhagayso
Cabdulaahi Cayrow oo u warmay Radio Garoowe