Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Ergayga UN-ka oo Muqdisho booqday


Ergayga UN-ka ee arimaha Somalia Augustine P. Mahiga ayaa booqasho kadis ah ku tagay Muqdisho shalay [Sep 01], waxaana isaga iyo wafdi la socday ay kula kulmeen Villa Somalia Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay ku xigeenka Ban Ki Moon ee dhinaca siyaasada B. Lynn Pascoe, waxaana kulanka ay la yeesheen Sh. Shariif ay diirada ku saareen xaalkd dalka uu ku sugan yahay iyo dagaalada socda.

Hadalka saxaafada loogu talogalay oo kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in mas'uulka hogaaminayay wafdiga uu warbixin ku saabsan xaalada Somalia ay ka dhageysteen Madaxweyne Sh. Shariif iyagoo u balanqaaday in UN-ka uu garab istaagi doono dowlada awooda daran.

"Madaxweyne Shariif wuxuu ka warbixiyay xaalada dalka uu ku sugan yahay, wuxuuna ka codsaday wafdiga inay gacan siiyaan hay'adaha xukuumada si ay awood ugu yeeshaan inay amaanka soo celiyaan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Shariif.

Wafdigan ayaa saxaafada laga qariyay markii ay tagayeen Muqdisho iyo markii ay ka dhoofayeen, waxaana socdaalkoosa uu kusoo beegmay xili ay mudo todobaad ka badan ay dagaalo ka socdeen Muqdisho.

"UN-ku diyaar ayuu u yahay inuu is-garabtaago DF, waxaana dhawaan dhaca shir looga hadlayo arimaha Somalia, kaasoo lagu cayimi doono taageerada DF la siinayo" ayuu yiri B. Lynn Pascoe sida lagu sheegay warka Villa Somalia kasoo baxay.

Waa markii ugu horeysay oo uu Augustine P. Mahiga oo ah Ergayga gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan Somalia uu ku tago Muqdisho, tan iyo markii uu kala wareegay xilka Eraygii hore Ahmadou Ould-Abdallah oo shaqeynayay mudo sadex sano ah.

Inkastoo aanay jirin wax hadal ah oo wafdigan ay siiyeen saxaaafada ayaa hadana waxaa lagu sheegay in socdaalkooda uu yahay mid niyada loogu dhisayay DF oo ku guuldareysatay inay dagaal kaga adkaato xoogaga mucaaradka ku ah.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us