|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
''Ethiopia ka baximayso Baladweyne''
6 Feb 6, 2012 - 5:53:35 AM
|
Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Baladweyne ayaa sheegay inaysan ka bixi doonin halkaas, kadib markii ay saxaafada kula hadleen Baladweyne, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horeysay oo Saraakiisha Ethiopia ay sheegayaan inaysan ka baxayn Somalia.
Ciidamada Ethiopia iyo kuwo Somali ah oo Al-shabaab ka qabsaday Baladweyne maalmihii ugu dambeeyay ee Sanadkii 2011 ayaa waxay ku sugnaayeen degmadaas halkaasoo lagula beegsaday qaraxyo iyo weeraro toos ah.
Taliyaha ciidamada Ethiopia ee ku sugan Gobolka Hiiraan Col. Hafarta oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in howlgaladooda ay balaarin doonaan, isagoo meesha ka saaray inay ka baxaan Somalia.
"Waxaan doonaynaa inaan howlgaladeena balaarino, shacabkana waxaan weydiisanaynaa inay gacan nagu siiyaan sidii amaanka loo sugi lahaa" ayuu yiri Col. Hafarta oo sheegay in ujeedadoodu ay tahay inay la dagaalamaan Al-shabaab.
Magaalada Baladweyne ayaa la sheegay inuu ka bilowday Barakac, kadib markii habeen hore xoogag Al-shabaab soo weerareen xaafado ku yaala dhinaca galbeed ee Magaalada.
"Barakac waxaa sabab u ah inagoo ka baqayna in dagaalo ay ka dhacaan degmada sidoo kalena waxaan ka baqaynaa in ciidamada Ethiopia ay wiilasha naga dilaan markii la beegsado" ayay tiri Haweeney ka mid ahayd dadkii maanta bilaabay inay ka barakacaan Baladweyne.
Maalin ka hor ayaa waxaa lagu arkay webiga Baladweyne qof mayd ah oo ay ka muuqato jirkiisa rasaastii lagu dilay, waxaana tani ay dadka degmadaas ku nool ku beertay cabsi weyn, inkastoo aan la aqoon cida dilkiisa ka dambeysay.
Afhayeenka Milateriga Al-shabaab Sh. C/casiis Abu-Muscab oo Idaacada taageerta Al-shabaab ka hadlayay xalay ayaa sheegay in mudo laba todobaad ah ka dileen ciidamada Ethiopia 68 askari, kuwaasoo uu sheegay in intooda badan ay ku dileen Magaalada Baladweyne.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|