From Garoweonline.com

Wararka
Sheikh Shariif oo ku sugan Afgooye
By
Jun 12, 2012 - 8:37:54 AM

Madaxweynaha Somalia, Sh. Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan degmada Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho ayaa sheegay in halkaas ay ka wadaan dadaalo lagu soo celinayo amaanka.
 
Sh. Shariif ayaa kulamo la yeeshay odayaasha deegaanka ayaa sheegay inay u joogaan halkan sidii looga shaqeyn lahaa nabada degmada, uuna halkaas ku sugnan doono inta nabada laga adkeynayo.
 
"Halkan waxaan u joognaa sidii amaanka loo adkeyn lahaa, markii aan maqalnay inay ka dhaceen degmada dhibaatooyin ay ciidamadu geysteen ayaan halkan nimid, wax ayaana laga qaban doonaa dhibaatooyinkaas" ayuu Sh. Shariif u sheegay odayaal uu la kulmay.
 
Madaxweynaha Somalia ayaa waxay noqonaysaa markii labaad oo uu degmada Afgooye booqdo, halkaasoo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka qabsadeen Al-shabaab bishii lasoo dhaafay.
 
Dowlada Somalia ayaa waxay u aragtaa in degmada Afgooye ay muhiimad gaar ah u leedahay, iyadoo dadaal ugu jirta sidii ay ku xasilin lahayd ka hor inta aysan goobo kale oo ku yaala Koonfurta Somalia u gudbin.
 
Xalay ayaa wuxuu dagaal kooban ka dhacay deegaano dhinaca Koonfureed ka xiga degmada Afgooye oo ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DF kadib markii Maleeshiyada Al-shabaab ay weerartay.
 
Afgooye ayaa waxaa ka baxa laba jid oo waaweyn oo kala aada gobolada Koonfurta iyo kuwa Galbeed ee dalka, halkaasoo deegaano ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa DF oo taageero ka helaya Ethiopia iyo Kenya.

GAROWE ONLINE


http://www.garoweonline.com