|
|
|
|
| Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Ethiopia oo iska fogeysay xasuuq
19 Aug 19, 2008 - 8:05:50 AM
|
Wasarada arimaha dibada Ethiopia ayaa sheegtay in hay'adaha warbaahinta caalamka qaarkood ay maalmihii la soo dhaafay baahiyeen warar sheegaya in ciidamadooda iyo kuwa DF ay toogteen 65-qof oo la socday gaadiidka dadweynaha.
Wasaaradu waxay intaas ku dartay in warbaahinta caalamiga ah ay xogta ka qaateen wabsiteka ururka Al-shabaab, warkaas oo ahaa mid gacan ku rimis ah, xaqiiqadana ka fog.
Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia ayaa Isniintii sheegay in DF iyo Ethiopia ay si wadajir ah u sameynayeen gudi xaqiiqo raadin ah oo soo baaray dhacdadaas, iyadoo soo gudbiyay xaqiiqada.
Jimcihii la soo dhaafay [Aug 15, 2008] ayay ku dhinten shaqaaqo ka dhacday agagarka cabiska oo ku yaala jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho dad kor u dhaafaya 50-qof, iyadoo Ethiopia ay mas'uuliyada dilkaas dusha ka saartay Ururka Al-shabaab.
Wasaaradu waxay sheegtay in xaqiiqooyinka laga helay baarayaashii dhacdada ay sheegayaan in Ururka Al-shabaab uu babeeyay gaariga rakaabka waday, balse aysan ku dhiman dadkaas rasaas ay fureen ciidamada Ethiopia iyo kuwa DF.
Qoraalka ay soo saartay wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia ayaa sidoo kale lagu sheegay in hogaamiyeyaal dhaqameedyada beesha Saleebaan ee Harbargidir oo goobtaas dagan ay si cad ugu eedeeyeen dhacdadaas argagaxisada.
Warbaahinta caalamka ayaa lagu booriyay inay ka fiirsadaan wararka ay baahinayaan ayna baahiyaan warar run ah oo xaqiiqada ku saleysan, intii ay baahin lahaayeen warar ay kasoo xigteen kooxo aan doonayn nabada iyo daganaashaha Somalia.
Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Ethiopia ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabaan dishibiil heer sare ah, ayna ku dhaqmaan shuruucda dagaalka ee caalamka u dagsan.
Wasaarada ayaa warbixinteedan ku sheegtay in qayb walba oo danayneyasa baaritaanka dhacdadan ay heli doonaan mid la mid ah xogta wasaarada arimaha dibada Ethiopia.
Garowe Online, Muqdisho
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|