From Garoweonline.com
Ethiopia oo u jawaabtay Al-Shabaab
By
Jul 2, 2009 - 12:46:42 AM
Dowlada Ethiopia ayaa ka jawaabtay hanjabaad ay kooxda Al-shabaab ku sheegtay Talaadadii [Jun 29] inay ku weerarayso dalkeeda, iyadoo wasiirka wafaafinta ee Ethiopia uu sheegay in xukuumadiisa saameyn ku yeelan hadalkaas.
"Wax kasoo qaad ma lahan hadalka kooxdan... go'aankeena waa inaan xiligan ciidamo u dirin Somalia" ayuu saxaafada u sheegay afhayeenka xukuumada Ethiopia Bereket Simon, isagoo xusay in dalkiisa uu indha ku hayano Islaamiyiinta Somalia.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Kismaayo Sheekh C/qani Max'ed Yusuuf [Kabo-jecel] oo todobaadkan hadal siiyay Idaacada taageerta Al-shabaab oo ku taala Kismaayo laguna magacaabo [Al-andulus]
ku sheegay inay weerarayaan Ethiopia.
Sidoo kale Ma'suulkan wuxuu sheegay inay weerari doonaan dalka Kenya oo daris la ah Somaila, wuxuuna labada dal ku eedeeyay inay qorsheynayaan dagaal wadajir ah oo ay kusoo qaadaan Somalia, si ay u baabi'iyaan maamuladooda.
Bereket Simon, wuxuu sheegay in hadalka hanjabaada ah uu kasoo yeeray Kismaayo, balse uusan ka iman Muqdisho, sidaa daraadeed uusan wax cabsi ah ku hayn dalkiisa, isagoo tilmaamay inay ku dagaalami doonan amaankooda.
"Kooxda Al-shabaab waxay xoogooda isugu geeyeen Muqdisho si ay u maja-xaabiyaan xukuumada sharciga ah, marka ma filayo inay leeyihiin awood kale oo lagu soo weerari karo dalkeena" ayuu Simon u sheegay warbaahinta.
Xukuumada Kenya oo aan dhayalsan hadalka Al-shabaab ayaa xoojisay amaanka xuduudaheeda, iyadoo baaritaano xoogan ku sameynaysa gaadiidka ka gudbaya xadka, isla markaana ay su'aalo weydiinayso dhalinyarada socotada ah.
Dowlada Ethiopia ayaa waxay sheegtay in ciidamo ay kaga sugan yihiin Somalia, kuwaasoo ay ku tilmaantay inay yihiin sahan ay kaga hortagayso khatar amaan oo dalkooda kasoo wajahday Islaamiyiinta Somalia.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com