Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 7, 2010 - 9:06:56 AM
Wararka
Ethiopian kasoo gudbay xadka


Ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiid dagaal ayaa maanta gudaha u galay Gobolka Bakool ee galbeedka Somalia, iyagoo baaritaano ka sameeyay degmada Ceelbarde ee Gobolkaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmadaas ayaa warbaahinta u sheegay in ciidan Somali ah oo la socda kuwa Itoobiya ay ku qabqabteen degmadaas dhalinyaro badan oo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin xoogaga DF ka horjeeda.

Xil. Aadan Max'ed Nuur [Saransoor] oo ka mid ah saraakiishii DF ee horay looga saaray Gobolada Bay iyo Bakool ayaa saxaafada ugu sheegay degmadaas inay sameeyeen baaritaano ay dad ku qabqabteen.

"Baaritaanada aan ka sameynay degmada Ceelbarde waa kuwo amniga lagu sugayo, waayo waxaa mararka qaar degmadaas soo gala ciidamo ka amarqaata Al-shabaab" ayu yiri Aadan Sarnsoor.

Waxgaradka degmada ayaa iyaguna sheegay in howlgalka maanta laga smeeyay degmadooda ay qayb ka ahaayeen ciidamada Ethiopia, balse waxaa taas diiday Aadan Saransoor oo sheegay inaysan waxba ka jirin.

"Dadkii la qabqabtay waxaa loola talaabay dalka Ethiopia, mana naqaan waxa ay mudan doonaan" ayuu saxaafada u sheegay Malaaq Cali Muumin Isaaq oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Bakool.

Talaabadan ayaa qayb ka noqonaysa dhaqdhaqaaqyo ay DF kawado gudaha Somalia, kuwaasoo ay ku sheegtay inay ku doonayso inay kula wareegto guud ahaan koonfurta Somalia oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Degmada oo aanay jirin cid gacanta ku haysa DF iyo Mucaaradka ayaa xaaladeedu caadi kusoo laabatay, kadib markii ay ka baxeen ciidamadii Ethiopia ee gudaha u soo galay saakay waaberigii hore.
 
GAROWE ONLINE

RELATED:
Heshiska PL & Ismada SSC- Dawo sawiro
Ahlu sunah oo DFKMG ah laga siinayo 5 Wasiir
Senator ka hadlay warbixintii UN-ka

Advertisement
 

Somalia: Backing the Wrong Horse

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement
Somalia Mar 18, 2010 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us