Eyl : Soo dhaweynta Radio Garowe 7 Apr 7, 2012 - 7:34:56 AM
GAROWE ONLINE
Maamulka idaacada Radio Garowe ayaa dhowaanahan ku hawlanaa sidii degmada Eyl ee gobolka Nugaal looga hirgelin lahaa abid markii ugu horeysey idaacad FM ah magaalo xebeedkan.
Agaasimaha Radio Garowe Axmed Cawil Jaamac ayaa ka warbixyey tijaabadii ugu horaysay ee Idaacadda Radio Garowe ay ka samaysay degmada Eyl,wuxuuna sheegay inay tahay mid lagu guulaysatay si faseexana looga wada dhagaysatay degmdaas iyo degaanada ku xeeran oo dhan.
Bulshada ku dhaqan degmada Eyl ayuu sheegay inay aad u soo dhaweyeen idaaacadda,waxaa kele ay dadweynaha degmadaasi ay idaacdda ugu riyaaqeen maanta markay hawada gashay dhagasyiga idaacadaha caalamiga ah ee afka-Somaliga ku hadla sida BBC-da iyo VOA-da oo dhagaysigoodu u ku adkaa markay ka raadinayaan mawjadaha gaagaaban SW,tasooo hadda ay kaga baxeen FM-ta Radio Garowe.
Halkan ka dhagayso waraysiga Axmed Cawil oo Eyl jooga uu la yeeshay Irbad