Maraakiibta dagaalka Faransiiska ayaa gacanta ku dhigey 8 burcad badeed ah oo saarneyd labo doonyood, sidaas waxa ayiri sarkaal u hadley ciidamada Badda Fraansiiska.
Ragaan lagu tuhmayo iney yihiin burcad badeedka Somalia ayaa markii gacanta lagu dhigayey waxaa ay xaawilayeen iney qafaashaan Markab ka diwaan gashan wadanka Panama maalinimadii Khamiista, sidaas ayaa waxa saxafada u sheegey Christophe Prazuck oo ah afhayeen u hadlay faransiiska.
" Way adag tahay iney iska kaaya caabiyaan markii ay la kulmeen ciidamo sideena oo kale ah" sidaas waxaa yiri Prazuck oo la hadalayey saxaafada.
Burcad badeedka Somalida ayaa waxaa ay gacanta ku hayaan 15 Markab iyo Labo boqol oo shaqaale ah kuwaasoo ay madax furasho ka rabaan.
Radio Garowe, Garowe