GO oo heley sawirada ajaanib lagu haysto Sanaag 1 Jul 1, 2008 - 9:36:52 AM
Xuquuda daabacaada GO
GO ayaa waxaa u suurta gashay in wariye ka tirsan gaaro goobta lagu haysto Labo qof oo ajaanib ah kuwaas oo burcad badeed ka qafaalatey gacanka cadmeed iyaga oo ku haysta dhul buuraley ah oo ku yaala gobolka Sanaag.
Burcad badedka afduubka ku haysata ajanibtaan ayaa u suurta galisay saxafi ka tirsan warsidahaan in uu booqdo dadkaas kadib markii ay codsadeen in sawiro iyo fariin laga gaarsiiyo eheladooda.
Labadaan qof oo u kala dhashay dalalka Denmar iyo France ayaa saxafigan u sheegey inay isu-dhexaan oo ay is qabaan, wexeyna xuseen in
markii hore ka soo socdaaleen magaalada loo Dal-xiis tago ee
Sharma-Sheekh ee dalka Masar iyaga oo markii masiibadasi heshay ku jeeday dalalka Asia.
Dadkaas Afduubka loo haysto oo muddo badan is qabey ayaa saxafigaan u sheegey inay idhaleen Caruur ka kooban wiil iyo Gabadh.
Dhinaca kale waxay wakaalada wararka ee GO u sheegeen inay dadkoodii ka
gaadhsiiyaan Fariin ah inay nabad qabaan caafimadkoduna hadda yahay mid
fiican balse jeclaan lahaayeen in xorayadooda dib u helaan.
Burcad badeedka afduubka ku haysata dadkaan ayaa saxafigaan ku qiyaasey in ay yihiin ilaa 12-ruux oo aanay noo suura galin inaanu sawir ka qaado,
waxana lagu hayaa Buraha Sanaag gaar ahaan meesha lagu magacaabo
[Masha-Xaleed] oo dhanka galbed ka xigta degmada Lasqoray ee Gobolka
Sanaag.
Wariyahaasi soo qaaday sawirada ayaa waxa kaloo uu sheegay inuu
arkay ciidamo kuwaasi ku sugan goobo ku dhow meesha afduubka loogu haysto dadkaan,
Ciidamadaan ayaa waxey ka kala socdaan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland balse ay kala hogaaminayaan xubno u dhashay dadka degaanka.
Ciidmada ka socda maamulka Somaliland ayaa jooga goobta lagu magacaabo
[Xaydhinyale] oo 25 Km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Laasqoray.